Washington (QJ) – Guddiga arrimaha dibadda ee senetka Mareykanka ayaa ka digay sare u kaca qarashka ku baxaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in horumarka laga gaaray dagaallada uu yahay mid gaabis ah.
War saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in inkastoo Mareykanka uu dhaqaale badan ku bixiyay, haddana aan la gaarin horumarkii la filayey ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719 ayaa dhigaya in dhaqaalaha aan loo qoondeyn howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Guddiga ayaa ka digay in tani ay ku qasbi karto Mareykanka inuu sii wado bixinta taageerada dhaqaale ee muddada dheer, taasoo culeys ku noqon doonta canshuur bixiyayaasha Mareykanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Midowga Yurub uu la shaqeeyo madaxweynihii hore ee Donald Trump si loo helo xal maaliyadeed oo waara oo loogu talagalay howlgalka. Guddiga ayaa sidoo kale ku boorriyay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay diiradda saaraan hirgelinta dib-u-habaynta lagama maarmaanka ah ee taageerada nabad ilaalinta iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa weli si weyn uga walaacsan culeyska dhaqaale ee sii kordhaya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay beesha caalamka ugu baaqeysaa in ay la qeybsato mas’uuliyadda maalgelinta dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
