|

Mareykanka Oo Loogu Hanjabay In Lagu Weerari Doono Hubka Halista Ah Ee Nukliyeerka

Seol  – Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa wali wada hanjabaadaha ay u jeedineyso Wadamada Dariska la ah iyo Dowlada Mareykanka, waxaana war cusub oo maanta Dowladaasi soo saartay shaacisay in ay Mareykanka ku weerari doonaan hubkooda Nukliyeerka ah.

north-korea-missile

War maanta oo Isniin ah kasoo baxay Dowlada Kuuriyada Waqooyiga ayaa loogu hanjabay Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa ayna Dowlada Kuuriyada Waqooyi sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay hubkooda Nukliyeerka ah ku weeraraan Dowladaha Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta si adag u canbaareesay dhoolo tus aad u balaadhan oo ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay sameenayaan, waxa ayna ku tilmaantay dhoolo tuskan mid lagu doonayo in lagu soo weeraro.

Xiisadan ayaa imaaneysa xili Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii hore ay tijaabisay hubkooda nukliyeerka , waxa ay sidoo kale dhawaan tijaabisay gantaaladooda ridada dheer ee xumbaari kara hubka nukliyeerka.

Comments are closed