|

Faa’idada Wax-Akhriska

n

Marka hore Alle ayaa mahad iska leh subxaana wata Caala Allihii isiiyey gacmo wax ku qoro sidoo kale ku siiyey indho aad wax ku akhrido, iina Fududeeyey inaan Qodobkan wax ka Qoro.

Wax akhrisku wuxu inoo lee yahay ahmiyad balaaran waxaana tusaale inoogu filan kalmadii koowad ee Rasuulka kuso degtay SCW Taaso ahayd “AKHRI”.

Quraanka wuxu ka kooban yahay in ka badan 77kun oo kalmadood waxa uuna alle doortay in ugu so hor degto kalmada “AKHRI” inago ka dheehan karna Muhiimada Wax AKhrinta .

Akhrisku  wuxu dheeli tiraa qofka caqli ahaan jismi ahaan iyo dabeecad ahaan ba. Sidaan wada ognahay wax akhrintu waxay kaa caawin kartaa in aad fikirto iyo inaad xaliso mushkilado. Waana waxa badana noolaha ka dhiga mid toosan oo argti dheer. Hadii aynu wax ka soo qaadano tusaale ahaan culumadii islaamka iyo dhanka ummadaha kale waxay ka dhaheen wax akhriska .

Wuxuu yiri: imaamu shaafici ( Magaranayo saacado iiga farax badnaa wakhtigaan ku qaatay kutubtayda dhexdooda ) .

Mar imaam Bukhaari la weydiiyey dawada xifdinta wuxuu ku jawaabay (waa indhaha oo akhriska lagu badiyo)

Aduunka Badanaa ma jiro Dal horumaray ilaa uu ku bixiyo dhaqaale iyo waxkhti badan buugta. Wax akhriska ruuxa caado ka dhigtaa wuxu noqdaa ruux ka aragti dheer had iyo goor kuwa aan wax ba akhrin, waayo? waxa maskaxdiisa ku jira macluumad fara badan dhacdooyin kala duwan noolayaal  kala duwan iyo xiliyo kala fog.

Sheekh Mustafa oo ka hadlayey muxaadiro ku saabsanayd  Aqoonta wuxu yiri: “laba arrimood ayey bulshooyinku isku dhaafeen; kow, in maskaxda marka hore macluumad fara badan lagu shubo (wax akhris), ka dibna wixi la soo gudboonaada ay awood u yeelato si loo xaliyo , laba in maskaxda loo adeegsado intii suurto gal ah, oo wakhti badan la siiyo si uu qofku uga baaran dego harumarinta naftiisa.”

Qarnigan waxaan ku jirta xili meel walba iyo mareeg walba qul qulayaan macluumaad iyo aqoon kala duwan lana heli karo xili walba.  Waxaa iyana muhiim ah inaad wakhti siiso wax akhrinta iyo u kuur galida aqoonta si ay kuugu duxdo wixii aad akhriday .

Xigmad ingiriis ah baa Tiraahda “take time to read, it’s the source of knowledge.” oo micnaheedu tahay, Wakhti sii inad wax akhrido , waayo waa ilaha cilmigu ka soo burqado”

Xigmad kale oo jabaanis  ah ayaa tiraahda ” Reading is like the daily live eating.” micnaheedu waa;. wax akhrisku wuxuu la mid yahay wax cunista saddexda wakhti , haddaba ugu fikir wax akhrinta sida cuntada oo kale .

Caalim reer Galbeed ah oo la dhaho Alberto mar la weydiiyey yaa hogaamin doona aduunka ?  wuxuu ku jawaabay  (cida garanaysa sida wax loo akhriyo ).

GUNAANAD

Haddaba, waxaa Hubaal ah in wax akhrisku yahay fure iyo fursad aad ku horumari karto. waa in aan ku dadaalna akhrinta wakhtina siina haddu doono ha koobnaade si aan wax u akhrino wax badan u ogaano.

 

MAHADSANIDIN.

Qalinkii: Abdi Fatah Mohamoud Dhegabahaaf.

Email: cadnaan_120@hotmail.com

Facebook: Amir Al-fatah Cool Ashka

Comments are closed