|

Mareykanka oo shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada caalemiga ah

Washington October 19,2022 (SD) – Mareykanka ayaa maanta shaaciyay xayiraad dhanka maaliyadda ah oo ay ku soo rogtay shabakad qaabilsan fududeynta dhaqaalaha Al-Shabaab.

Kaaliyaha Xoghayaha Sirdoonka Maaliyadda Mareykanka Brian E. Nelsonee ayaa sheegay in Maraykanku qaadday tillaabo ka dhan ah hub iyo dhaqaale-ururinta ee al-Shabaab ee Geeska Africa.

Xubnaha Maanta xayiraad la saaray waxa ka mid ah:

· ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab.

· KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn.

· HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.

· ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate.

· ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.

· ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).

Al-Shabaab ayaa sanadkii soo xaraysa ku dhawaad 100 milyan oo doolar oo canshuur ahaan uga qaadaan ganacsatada iyo dadka deegaanka.

 

 

Comments are closed