|

Mas’uul Sare Oo Ka Tirsanaa Wasaaradda Duulista Hawada Oo Xilkii Iska Casilay Kuna Biiray Xisbiga WADDANI

Hargaysa 18. October 2017 (SDN/QJ):- Cabdilaahi Axmed Caarshe oo ka mid ahaa shaqaalaha sare ee Madaarka Caasimadda Hargeysa ayaa xilkaasi isaga tagay si rasmi ahna ugu biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isaga oo sheegay in dalku maanta u baahan yahay is baddal dhab ah oo saamayn ku yeesha nolosha umadda ee sicir bararka iyo duruufaha nololeed cidhiidhiga galiyeen. war-saxaafadeed uu soo saaray Cabdilaahi Axmed Caarshe oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog waxa uu u dhignaa sidan:

“Mar hore waxaan halkan ku cadaynayaa in aan aanay jirin wax shaqo ah am axil ah oo aan u hayo dowladda, gaar ahaana Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka somaliland, maanta laga bilaamo waxaan door muhiim ah ka qaadanayaa arrimaha siyaasadda.

Sida aynu wada ognahay waxaa ina ku soo fool leh doorashadii , madaxtooyada somaliland oo ay in aka igto waqti kooban, waxaan rajaynayaa in ilaahay {SWT}, inoo ku suura geliyo qaab nabadgelyo iyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Maanta dalkeena waxaa curyaamiyey sixir barar, musuq-maasuq, cadaalad darro iyo maamul xumo, waxaa soo dhibato ah maanta waxaa ina ka saari kara xisbiga badbaada somaliland ee Wadani.

Waxaynu ognahay in sidan ay maanta xaalku yahay in aan lagu sii socon Karin, ayna somaliland u baahan tahay isbedel dhaqaale, siyaasadeed, caafimaad iyo horuumar ka duwan kan maanta aynu ku jirno oo ah nidaam aan lagu sii jiri Karin.

Somaliland danteeda iyo ta mustaqbalkeena waxay ku jirtaa in maanta shacabka somaliland ay ka qayb qaataan isbedelka dalka ka socda ee uu hormoodka u yahay Xisbiga Wadani, uuna hoggaamiyaha ka yahya Dr. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi {Cirro}, oo ah shaqsiga keli ah ee maanta dalka iyo dadka isku wadi kara, kaasoo leh aqoontii hogaamineed, aqoontii waxbarasho, aqoontii waayo-aragnimo iyo aqoontii bulshada somaliland lagu dhiqi lahaa.

Sidoo kale xisbiga Waddani waxaa hogaamiye ka ah Xirsi Cali X. Xasan oo shaqsi la wada ogyahay qiimaha uu leeyahay sida loo jecel yahay iyo saamaynta hoggaamineed uu qarankan ku dhex leeyahay iyo waxqabadkii uu caanka u ahaa markii uu xukuumadda ku jirey.Ugu danbayntii waxaan u soo jeedinayaa dhallinyarada sharafta leh, haweenka, aqoon yahanka iyo dhamaan reer somaliland in ay ka qayb qaataan isbedelka uu wado xisbiga Wadani, kaasoo ah ka keli ah somaliland maanta ka saaraya dhibaatooyinka haysta.Guul baan u rajaynayaa xisbiga Wadani, ana maanta laga bilaabo waxaab garab taagnahay xisbiga Wadani”.

Comments are closed