|

Masuuliyiin ka Tirsan Maamul Goboleedka GalMudug Oo Soo Dhaweyn loogu Sameeyay Magaalada Helsinki Ee Dalka Finland SAWIRRO

”Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Finland gaar ahaan magaalada Helisinki ayaa soo dhaweyn u sameysay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka GalMudug, iyaagoona dhanka kale baaq Nabadeeed U diray dhinacyada isku haya Magaalada Gaalkacyo”

Helisinki,30,November,2015(QJ/SDN)-Waxaa caawo lagu qabtay magaalada Helsinki Ee caasimadda dalka Finland maunaasabad lagu soo dhoweynayay madax ka socotay Dowlad goboleedka Galmudug oo maal mahaan howl shaqo ku joogay Finland. Masuuliyiinta Galmudug Ee ku sugan Finland ayaa kala ah Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug, Cusmaan Maxamed Cali, iyo Lataliyaha xafiiska Madaxweynaha Galmudug Mudane Faarax Maxamud Ega.

Xafladaan oo iskugu jirtay soo dhoweynta madaxda Galmudug iyo Baaqyo loodirayo dagaalada ka aloosan magaalada Galkacyo aayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan Ee jaaliyadda Soomaaliyeed Ee dalka Finland gaar ahaan Jaaliyadda Galmudug. Malaaqa Ismaaciil oo kamid ahaa dadkii madasha ka hadlay ayaa ugu horeynba sheegay in ay soo dhoweynayaan Wasiirka Iyo Lataliyaha Madaxweynaha Galmudug waxa uuna soo dhoweyn kadib ku baaqay in si shuruud la aan ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Galkacyo.

Marwo Kiin Dagaari, Drs Mulki Iyo Hodan Goomiito, oo ka amid ah ahaa dadkii Xaflada ka hadlayay ayaa ugu baaqay Madaxda labada Maamul Ee Galmudug iyo Puntland in la joojiyo dagaalada dhexmaraya dadka ah xigtada iyo xigaalka, wiilka iyo abtigiis oo ah dad aan sinaba ku kal islama markaana ku tilmaamay colaada ka sicota Gaalkacyo in ay tahay maanta mud nasiib saro ah oo ay san Soomaaliya maanta u baahneyn in dib loogu celiyo 2016 Dagaalo sokeeye oo horle. Lataliyaha Galmudug.

Faarax Maxamud Ega oo hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta xaaladaha Dhaqan iyo dhaqaale Ee deegaanada iyo dagmooyinka Galmudug iyo wax qabadka Maamulka oo ahaa maamul muda kooba jira waxa uuna Jaaliyadda Galmudug Ee Finland Uga waramay heerarkii kala duwanaa Ee uu soo maray maamulka iyo isku daygii iyo aas aaskii horseeday guusha Maanta la taagan yahay Ee ah in la dhiso Galmudug Dhameys ah oo an Dhicis ahey.

Ugu danbeyna Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa isna dhankiisa ka war bixiya arimaha Galmudug iyo howlihii ay u yimideen Finland iyo wixii uga qabsoomay asaga oo sheegay in ay Wasaarada Amuuraha Dibada ka heleen Martiqaad islmarkaana lagu.lagu casuumay shir looga hadkaya arimaha dalal dhowr ah oo ay Somalia ka mid aheyd, Wasiirka Dastuurka Iyo dub u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa ku baaqay in la joojiyo colaada ka aloosan Magaalada Galkacyo ayna muhiim tahay in aan dib loo celin maanta Somalia asaga oo sheekay in shacab iyo madaxba ay galmudug dhankeeda diyaar u tahay nabad isla markaana looga baahan yahay in Puntland ay dhankeeda nabad qaataan.

Xassan-Kaafi Maxamed Xalane

Somalidiasporanews: Helisinki,Finland.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Warbixintan;

12345678910111213141516

12345667

Comments are closed