|

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Iyo Kan Galmudug Oo Kulmay iyo arrimaha ay ka wada hadleen

Gaalkacyo 01.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan kula yeeshay magaalada Gaalkacyo madaxwaynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed. Kaasoo ay uga wada-hadleen daminta colaadda u dhexeysa maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Gaalkacyo.

Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisa uu had iyo jeer diyaar u yahay ka qayb-qaadashada xasilloonida dalka. Isagoo boggaadiyay madaxda Galmudug ay dhankooda u aqbaleen in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal iyo is-qancin.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug C/kariin xuseen Guuleed ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo mas’uuliyiintii la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in Galmudug ay ka go’an tahay in wax walba oo lagu dhameeyo iyo wadahadal.

Ugu dambeyn, Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa  deggenayd, kaddib dagaal ka dhacay doraad , kaasoo u dhexeeyay ciidammo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, sababayna dhimasho iyo dhaawac badan.

238 188 09

 

Comments are closed