Hargeysa 18. July 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormo aynu Ku Eegi doono Isku daygii Inqilaabkii ay sameeyeen sannad ka hor Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dalka Turkiga si ay Talada uga Tuuraan Madaxweyne Ordugan Xukunkuna uu Gacanta Mar kale u galo Ciidamadda Mileteriga.
10:30 (caweyskii) – Jimce. Ciidamo ayaa xidhay buundooyinka (Bridges) Furraat iyo Sultan Mehmet ee magaalda Istanbul si ay u hakiyaan isu socodka dadweynaha. Tallaabadaasi, isla markiiba, waxaa ay shaki ku abuurtay gaadiidlayda isaga tallaabayay goonyaha magaalada.
10:50 – Dayuuradaha nooca Jet iyo kuwa sida qummatiga u kaca (helicopters) ee ciidanka cirka ayaa si baahsan u kor haadayay caasimadda Ankara.
11:00 – Ra’iisal-wasaraha Turkiga Mr. Binali Yilkdirim ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro dhaqdhaqaaq ciidan, kaasoo ay dalka ka wadaan tiro yar oo dano gaar ah leh, una adeegaya shisheeye. Binali waxaa uu shacabka u ballanqaaday xukuumaddu in ay ka hawl gelayso sidii loo xakamayn lahaa damaca lagu burburinayo dalka, isagoo shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan.
12:00 – (saqda dhexe) kooxaha inqilaabka ayaa xoog ku qabsaday Telifishanka Qaranka TRT. Dhinaca kale, Taliyihii Guud ee Ciidanka Qaranka Turkiga, Hulusi Akar ayaa ka mid ahaa dad kooxdu ka qafaasheen caasimadda Ankara.
12:15 –Telifishanka Qaranka TRT ayaa sii daayay in ciidanka qaranku ay la wareegeen taladii iyo in ay gacanta ku dhigeen dhammaan maamulkii dalka. Sidaa darteed, waxa la laalay distuurkii dalka, iyadoo ciidanku dalka ku xukumayaan Xukun Askari (Martial Law) ilaa iyo inta laga sameynayo dastuur cusub, dalkana waxa ay ku soo rogeen Bendoo, iyagoo amray qof kastaa in uu ku negaado halka uu joogo.
12:30 – Ra’iisal-wasaare Yildirim ayaa barta warbaahinta bulsho ee “Twitter” dhigay in ay la dirirayaan kooxda Inqilaabka xataa haddii ay ku kelifayso in ay u loogaan dad tiro badan, isla markaana kadibna Madaxweyne Erdogan ayaa wareysi siiyay Telifishanka CNN, laanta Afka Turkiga, isagoo u sii maray warbaahinta bulsho ee “Facetime.” Madaxweynaha waxa uu shacabka kula dardaarmay “in ay isugu soo baxaan jidadka si ay u ilaashadaan xukuumadda ay ku soo doorteen sida xalaasha ahayd.” Madaxweynahu waxa uu shacabka u ballanqaaday, “in ay guulaysan doonaan” iyo in uu “si ba’an uga aar gudan doono kuwa soo maleegay afgembiga.”
01:00 –Dayuuradaha sida qummatiga u kacaa ayaa duqeeyay goobo ka mid ah caasimadda Ankara. Waxa kaloo la arkay xarunta Barlamaanka oo ay ku gedaaman yahiin cutub ku hubaysan taangiyo. Wax yar kadib, rasaas ayaa ka dhacday gudaha barlamaanka, waxaana la maqlay qaraxyo aad u xoog badan. Xubno Barlamaanka ka mid ah ayaa sheegay in ay ku gabbood ka dhigteen godad ku yaal dhismaha hoose ee barlamaanka.
Dhinaca kale, Wasiirka Caddaaladda dalka Turkiga ayaa ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo masaafuris ku jooga carriga Maraykanka in uu ka dambeeyay isku daygan lagu manjo-xaabinayo xukuumadda. Fethullah waxa uu taageerayaal fara badan ku leeyahay dalka, iyadoo ururkiisu muddo dheer ku foognaa dhinacyada horumarka, waxbarashada iyo caafimaadka dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba.
02:00 – Dayuuradaha nooca Jet oo daacad u ah xukuumadda ayaa dhulka dhigay dayuurado nooca marawaxadda oo u adeegayay afgembiga. Isla amintaa, waxaa la dilay 17 sarkaal boolis ka dib markii ay iska caabbiyeen ciidanka inqilaabka.
02:50 – Ra’iisal-wasaare Yildirim ayaa sheegay in xukuumadda gacanta ku dhigtay xaaladdii dalka, inkastoo qaraxyo aad u culus laga maqlayay faras magaalaha Istanbul. Ra’iisal-wasaarahu waxaa uu sii xoojiyay eedii loo soo jeediyay ururrada samafaleed ee wadaadka Gulen.
Abbaaro 03:20 – Xilli ay dayuuradaha cadowga korkooda duulayeen Madaxweyne Erdogan, waxauu si geesinimo leh uga degay Garoonka Caalamiga ee Ataturk, Istanbul. Madaxweynahu shir saxaafadeed oo uu ku qabtay garoonka waxa uu ku sheegay, “kuwa inqilaabka wadaa in ay dadweynaha u quudheen qorigii la rabay in ay ku difaacaan.”
Intaa waxa uu ku ladhay, wax yar kadib markii uu ka ambabaxay magaalo-xeebeedka [Marmaris] in hub culus lagu garaacay goobtii uu ka degenaa. Madaxweynaha waxaa ku hareeraysnaa kumanyaal shacab ah oo naftooda u huray in ay meel ku la dhintaan. Madaxweynahu, mar kale, waxa uu shacabka ka codsaday in ay difaacdaan xukuumaddooda, una babac dhigaan qawlaysatada ku soo duushay hannaankii dimoqraadiyadda.
Isla markii la baahiyay war saxaafadeedka Madaxweynaha waxa sii labanlaabmay dadweynihii isugu soo banbaxay fagaarayaasha magaalooyinka Istanbul iyo Ankara. Markan taageerayaashu kuma ay koobnayn kuwa daacadda u ah Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarinta. Balse, waxa si wadajir ah aan u kala hadhin muxaafid iyo mucaarid. Wax yar ka dib, Madaxweynahu farriin ayuu si siman ugu diray dhammaan moobilada dadweynaha. Waxaana uu ku sii adkeeyay in “in aanay dib u laaban, ilaa laga safeynayo kuwo caddowga ku ah rabbitaanka ummadda iyo xasilloonida dalka.
03:30 –Inkastoo qarraxyo xoog badan laga soo sheegay xarunta Barlamaanka ee Ankara wararka qaarkood waxa ay tibaaxeen in la jebiyay afgembigii. Waxa la soo bandhigay muuqaallo ciidamo loo sii taxaabayay meel aan la aqoon. Sidoo kale, boqollaal ka mid ahaa ciidammadii afgembiga ee ka hawlgelayay magaalada Istanbul ayaa iyaguna isa soo dhiibay. Markiiba, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Efkan Ala, waxaa uu ku afgobaadsaday in uu “fashilmay” inqilaabkii.
03:45 – Fagaaraha Taksim ee faras-magaalaha Istanbul waxa iska dhiibay tiro ciidamo ah ka dib markii ay soo weerareen dablayda booliska ee daacadda u ah Madaxweye Erdogan.
05:00 – (subaxnimo maalinta Sabtida) Afhayeenka Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay hawl-galka ku dhinteen ilaa 60 qof iyo in xukuumaddu gacanta ku dhigtay 130 qof oo eedda faraha ku la jiray.
Sidoo kale, ciidammada daacadda ah waxay soo furteen Taliyahii Guud ee Ciidammada Qaranka, Hulusi Akar, kasoo habeennimadii ay afduubteen kooxda afgembiga.
Waaberigii – maalintii Sabtida, warbaahintu waxaa ay faafisay muuqaallo ciidamo tiro badan oo hubka dhigay, isuna dhiibay xukuumadda. Waxa xabsiga loo taxaabay ilaa 700 kuwaasoo isugu jiray saraakiil iyo askar. Isla markaa, xukuumaddu waxaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu dhicisoobay inqilaabkii.
Dhinaca kale, waxa laga soo sheegay dayuuradaha jetku in ay hub culus ku garaacayeen degmada Bestepe ee caasimadda Ankara, halkaasoo uu ku yaal qasriga Madaxtooyada. Kor waxaa laga arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.
Gabbal-dhacii – Sida uu sheegay Ra’iisal-wasaaraha Turkigu, maalintii Sabtida waxaa gabbalku u madoobaaday iyadoo xukuumaddu si adag gacanta ugu dhigtay taladii dalka. Afgembigu waxa uu galaaftay 265 qof, kuwaasoo 161 ka mid ah isugu jireen shacab iyo ciidammada daacadda u ah xukuumadda.
Ku-simahaTaliyaha Guud ee Ciidanka, Umit Dundar, ayaa isaguna warsaxaafadeed ku sheegay in la dilay 104 qof oo ka mid ahaa kuwii holliyay inqilaabka, halka geerida shacabkuna gaadhay 47 qof. Sidoo kale, hawlgalka waxaa ku dhaawacmay dad gaadhaya 1,440. Waxa xabsiga loo dhaadhiciyay 2,839 ka tirsanaa ciidanka iyo ilaa 3,000 garsoorayaal loo tiranayo in ay ahaayeen kuwii ka soo qallin-jebiyay jaamacadaha wadaadka Fethullah Gulen, lana sheegay in ay badhitaarayeen ciidammada inqilaabka.
Ninka lagu magacaabo Hakan Fidan oo ah Madaxa Sirdoonka Qaranka (MIT) ee dalka Turkiga, ayaa caweyskii ku tiraabay, “waxa la soo afjaray hawlgalkii lagaga hortegayay afgembiga, hase ahaatee waxa sii socon doona baadhitaanka ilaa xididada loo siibayo cid kasta oo taageeraysay.”
Ayaa fashiliyay Inqilaabkii?
AFGEMBI (Inqilaab), ma aha dhacdo ku cusub dalka Turkiga. Waxaa ay ahayd 1960, 1971-1973, 1980 iyo 1997 mararkii si habqan ah ciidamadu u manjo-xaabiyeen xukuumadahii ka tallinayay dalkaa. Waxaa kale oo jiray inqilaab la isku deyay 2007 oo uu fashiliyay xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta oo hadda ka arrimaya dalka. Ku dar isku deyga afgembiga dhacay toddobaadkan.
Shacabka, war ku ma seegana sidii wax u dhaceen. Waxaa ay isugu jiraan dad u soo taagnaa dhacdooyinka aan soo sheegnay iyo in ka sii badan oo ka soo daalacday taariikhda dalkooda, ama kaga soo boogtay sheekooyinka jiilba jiilka kale ka sii dhaxlo.
Sidaa awgeed, dadweynahu waxaa ay sii xusuustaaan waxyeeladii. Weli kama ay bogsoon nabaradii iyo dib u dhacii ay ka tegeen talisyadii milaterigu oo aan la mahadin. Xukunka Mileteri waxaa lagu asteeyaa keli-talis, dib-u-dhac iyo boob ay ku danaysteen kooxo faro ku tiris ah oo ka soo jeeday gaashan-dhigga. Qaybaha bulshada ee taageeray kana soo horjeeday xukuumadahii la tuuray, iyaguna waxaa ay ku danbeeyeen in ay ku gubtaan dogobyada iyo dhinbilaha xukunka milateri.
Sidaa awgeed, muuqaaladii soo ifbaxay habeenkii Jimcaha 15/07, ma ay ahayn kuwo ku cusbaa dalka, balse waxaa cusbaa bisaylka dadka iyo go’aan qaadashada shacab caddeysimo (hub laan) ah.
Kolkii kooxda inqilaabku ay gacanta ku dhigeen warbaahintii xukuumadda, Madaxweyne Erdogan waxaa uu suurta gashay inuu wareysi siiyay laanta Afka Turkiga eeTelifishanka CNN, isagoo farriin muqaal ah u sii mariyay warbaahinta bulsho ee “Facetime.” Erdogan waxaa uu shacabka ku booriyay, “si ay u ilaashadaan xukuumadda ay ku soo doorteen sida xalaasha ah in ay isugu soo baxaan jidadka magaalooyinka.” Weedhahiisii guubaabo waxaa ka mid ahaa, “Turkiga cusub in aanu ahayn Turkigii hore ee oggolaa heeryada ciidamada.”“Waa guulaysan doonaa.” “Si naxariis la’aan ah ayaan uga aar gudan doonnaa.”
Isla markaaba, shacabka ayaa si xamaasad leh u ajiibay baaqa gilgilay bulshada oo ka soo yeedhay afka Madaxweynahooda. Tiro dad ah ayaa ka soo dareeray guri kasta iyo goob kasta ee ganacsi. Durba, waxaa ay isugu soo banbaxeen fagaarayaasha iyo jidadka. Nafhurid iyo qalbi bir ah ayay kala hor tageen ciidanka. Sida darteed, arrintu markiiba waxaa ay iska rogtay jirjir cadka.
Yididiilo ayaa soo bidhaantay markii ay cagaha ku qaateen ciidanka. Hirar dadweyne ah ayaa si miyir la’aan ah ugu qammaamay taangiyada iyo dhuumaha cabbaysan ee qoryaha darandooriga u dhaca.
Waxaa ay ku haliileen wax kastoo ay ka muuqato astaan ciidan. Waxaa ay indhahooda ka qarsadeen hubka culus oo hortooda gurguuranayay. Waxaana ay dhegaha ka furraysteen guuxa dayuuradaha korkooda lalayay oo ku soo fiiqayay qoryaha boobaha ah.
Dantu, waxaa ay isbaday shacab faro madhan iyo ciidamo hubaysan ilaa gows danbaydka. Waxaa legdamayay wada-tashi iyo keli-talis, sharci iyo sharci-darro, wanaag iyo xumaan. Waxaana si fool ka fool ah foodda isu daray damaca ciidanka iyo rabitaankii shacabka. Goolaaftan iyo hanjabaad, dhinacba dhinaca kale ayuu u babacdhigay. Mararka qaarkoodna xabbadu ayaa faraha ka baxaysay waxaana ay kurka ka guraysay dad shacab ah oo ku hubaysnaa hal-ku-dhegyadii Madaxweyne Erdogan.
Dagaalku saacado ayuu sii socday markii ciidamadu dib u gurteen. Marba marka ka danbaysa waxaa sii kordhayay tirada iyo miiganaanta shacabka. Ugu danbayntii waxaa la jebiyay malo-awaalkii iyo hankii ciidamada.
Waxaana guulaystay runtii, geesinimadii iyo wadajirkii dadweynaha. Warbaahinta, dal iyo dibedba waxaa hadheeyay muuqaalo shacab faro madhan oo hubka ka dhigaya ciidan. Guul, guul, guul. Waxaa muuqday dablay iyo saraakiil beerka dhulka ku haya ka dib markii dadweynahu u xidheen si laba-duble ah.
Run ahaantii, awooddii shacabka ayaa ka gacan sarreysay awooddii qoriga. Dadweynaha ayaa ahaa halyayga, nafhuraha iyo geesigii jebiyay inqilaabkii la rabay in lagu shirqoolo xukuumadda. Waxaa fashilmay isku deygii afgembiga. Waxaana guulaystay gurmadkii iyo badbaadintii shacabka. Hase ahatee, waxaa isweydiintu ahayd Madaxweyne Erdogan sida uu u maarayn doono guusha ay u soo gacan geliyeen shacabku.
Maxuu Yeelay Madaxweyne Erdogan?
Madaxweynahu waxaa uu si degdeg ah u qiray shacabku in ay badbaadiyeen dalka iyo xukuumadda. Waxaa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha isagoo ku guubabiyay in ay sii tubnaadaan jidadka ilaa iyo inta, si dhab ah, loo saxar-tirayo denbiilayaashii.
Ciidamo u daacad ah Erdogan ayaa si degdeg ah u la wareegay hubkii dhulka daadsanaa iyo maxaabiistii u xidhnayd shacabka. Markan inta uu felaggu meeray waxaa is rogay taayir ku socda xawli dheeraad ah. Dadaya iyo dawladdu waxaa ay ku joogaan raadka kuwii eedda loo tirinayay.
Isniin: Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qiray in shaqada laga fadhiisiyay dad tiradoodu gaadhay 8,777 kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 7,899 ka tirsanaa booliska iyo sirdoonka. Isla markaa, waxaa jeelka loo taxaabay ilaa 7500.
Isniin: Ra’iisal Wasaaraha, Benali Yildirim ayaa tibaax ku sheegay, “ilaa hadda waxaa xabsiga la dhigay 7,543 eedaysane oo ay ku jiraan 100 boolis ah, 6,038 ciidanka gaashaandhigga, 755 garsoorka iyo xeer-ilaalinta iyo 650 shacab ah.” Intaa waxaa uu ku ladhay tiradu in ay sii kordhi karto iyadoo uu sii socdo hawlgalkii. Wakaaldda wararka qaranka waxaa ay sheegtay dadka la xidhay in ay ku jiraan 103 janaraal. Waxaa la rukhseeyay 30 Guddoomiye Gobol iyo ilaa 50 saraakiil sare oo rayid ah.
Salaasa: Sida ay sheegtay Wakaaldda Wararka Reuters tiro 257 ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa laga cafiyay shaqada. Tirada dadka la xidhay waxaa ay kor u dhaaftay 20,000 waxaana ka mid ahaa 185 isugu jira janaraalo iyo gaashaanlayaal sare. Ilaa 1,500 qof oo kale ayaa laga eryay Wasaaradda Maaliyadda.
Salaasa: Sidoo kale. Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaqada ka eriday 15,200 qof. Isla marka, Golaha looga taliyo waxbarashada dalka ayaa amray in ay isa soo casilaan hormoodyada jaamacadaha dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,577 hormood.
Arbaca: Si aaanay dalka uga bixin dad ku lug lahaa inqilaabka, Golaha Sare ee Waxbarashada ayaa si ku meelgaadh ah u mamnuucay in dalka looga dhoofi karo sababo shaqo ama waxbarasho. Isla markaa Golaha Waxbarasho waxaa uu rukhsadda (leesanka) ka la noqday 21,000 macallin oo wax ka dhiga goobha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxaa uu soo jeediyay in dib loo soo nooleeyo ciqaabta dilka oo Turkigu laalay sannadkii 2004 si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahanaa ka mid noqoshada reer Yurub. Madaxweynahu waxaa uu barlamaanka ka codsaday in ay dib u ansaxiyeen xeerka ciqaabta dilka si loogu fuliyo dadkii dhagarta galay. Waxaana uu ballan-qaaday haddii barlamaanku u soo gudbiyo isla markaaba inuu qalinka ku duugi doono.
Sida muuqata, xukuumaddu ma rabto in ay lumiso fursadan dahabka ah oo shacabku u soo gacan geliyay. Waxaa u qorshaysan in ay ku fuliyaan waxii qabyo ka ahaa. Hase ahaatee, sida ay wax u socdaan waxaa ka biyo diiday dad faro badan.
Madaxweyne Erdogan waxaa lagu duray in uu si ba’an cagta u mariyay dadkii ay ku kala duwanaayeen aragtida. Hase yeeshee, hawlgalka socda Madaxweynahu waxaa uu ku sheegay in uu yahay mid xididada loogu siibayo dadkii inqilaabka waday isagoo ku tilmaamay kuwaas in ay la mid yahiin cudurka Kansar.
Aragtada Bulshada Caalamka
Haddaba, tan iyo intii uu fashilmay inqilaabku, xukuumadda Erdogan waxaa ay ku kacday hawlgallo looga shakiyay aargoosi siyaasadeed. Ka sokow in ay cagta marisay dadkii ku lug lahaa afgembiga, waxaa la sheegayaa in loo hoos geliyay xadhiga iyo xil-ka-qaadista kumanyaal aan denbi lahayn kuwaasoo xukuumaddu u arkaysay in ay lid ku yahiin hoggaaminta Erdogan.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ku tiraabay in ay taageerayaan tallaabo kasta oo sharciga lagu hor keeni karo dadkii ka danbeeyay isku deyga afgembi. Hase ahaatee, waxaa uu intaa ku ladhay in ay aad uga digtoon yahiin in hawlgalka wax loogu dhimo dad aan eed galabsan oo loo ciqaabo aragtidooda siyaasadeed.
Dhanka kale, haweenayda awoodda badan ee u arrimisa dalka Jarmalka, Ra’iisal Wasaare Angela Merkel ayaa ka digtay in Turkigu dib u soo celiyo ciqaabta dilka. taasoo sida ay sheegtay dili doonta qorshahii uu Turkigu ku haybinayay reer Yurub.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa isaguna sheegay, “inqilaabka fashilmay, ma habboona in lagu xalaashado dabargoynta mucaaradka.” Sidoo kale, Johannes Hahn, sarkaalka Yurub u qaabilsan qadiyadda Turkigu inuu ku soo biro Iskaashiga Yurub ayaa isaguna xukuumadda ku eedeeyay in ay ka takhalusayso dad aan eed gelin.
“Malaha xukuumadda waxaa meel u yaallay liis lagu taxay dadka ka soo horjeeda. Hadda ayay la soo baxeen liiskii si loogu badhxo kuwa lagu eedeeyay inqilaabka.” Sidaa ayuu yidhi Johannes. Eedayntan waxaa ay wax u dhimmaysaa Turkiga oo tobanaan sannadood u ololaynayay in uu ku biiro reer Yurub.
Komishinarka Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa isuguna aad u dhaliilay sida tarabtarabta ah ee xukuumadda jeelka ugu gurayso dad loo malaynayo in aanay eed ku lahayn denbeyada lagu soo oogay. Komishanarku waxaa uu sheegay, “xaalad kasta oo uu dalku ku jiro, waxaa lama huraan ah in la sugo xuquuqda dadka.”
Ugu danbayntii, Mostafa Minawi, Agaasimaha culuumta Turkiga ee Jaamicadda Cornell ee carriga Maraykan ayaa isaguna sheegay inqilaabka dhicisoobay inuu yahay hadiyad u gacan gashay Erdogan taasoo xukuumaddu uga faa’iidaysan doonto si kastoo loo xakamayn karo ciddii ay u aragto in ay halis ku yahiin siyaasadeeda.
Haddaba, ayaa loo aaneeyay inqilaabka? Waa kuma wadaadka Fethullah Gulen ee lagu shaanbadeeyay in uu ka danbeeyay inqilaabka? Balse maxaa laga filan karaa Maraykan oo Erdogan ka codsaday in uu u soo gacan geliya wadaadka Gulen?
Xarakada Gullen?
Ammintii inqilaabku ka onkaday dalka Turkiga, 15 July, Madaxweyne Erdogan waxa uu firxad kaga baxsaday xeebta Marmaris, halkaasoo uu nasasho ku joogay. Madaxweynahu, isla markii uu ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Ataturk, Istanbul, iyadoo weli uu cakiran yahay jawigu, waxaa uu eedda kor ka saarey wadaadka Fethullah Gulen oo ku sugan dalka Maraykanka. Xukuumadda Ankara, waxa ay ku sii adag tahay in Xarakada Gulen ka danbaysay isku deygii afgembiga. Weli waxa sii socda hawlgallo lagu ugaadhsanayo cid kasta oo loo tirinayo xarakadaas. Balse, Gulen ayaa ku dooday in aanu lug ku lahayn inqilaabkii dhicisoobay, waxaanu canbaareeyay kuwii isku deyay.
Tan iyo Arbacadii la soo dhaafay waddanka Turkiga waxa lagu soo rogay Xukun Degdeg ah oo loo muddeeyay saddex bilood. Xukunka Degdegga ah, waxa uu awood u siinaya madaxweynaha inuu dalka ku xukumo wareegto. Sidoo kale, eedaysanaha waxa xabsiga lagu sii hayn karaa muddo ka badan intii sharcigu jideeyey, iyadoo aan la horkeenin maxkammad. Muddadaas Madaxweynahu waxa uu faro-gelin karaa garsoorka iyo barlamaanka oo lahaa xuquuq dhowrsanaan, waxaanu soo saari karaa shuruuc aan la soo marin barlamaanka. Sidoo kale, waxa uu xadayn karaa xuquuqda iyo xorriyadaha muwaaddinka. Madaxweyne Erdogan, waxa kaloo uu barlamaanka ka codsaday in dib loo soo celiyo xukunka dilka oo hore loo laalay 2004.
Haddaba, dhacdadan oo isa soo taraysa (developing story) ilaa hadda, waxa xabsiga loo taxaabay 50,000 qof oo ka tirsanaa (gaashaan-digga, booliska, garsoorka, riyad iyo macallimiin). Tiro 99 janaraal oo ka tirsanaa xoogga dalka ayaa lagu soo oogay dhagar qaran.
24 July 2016
05:45 galabnimo: Xeer-ilaalintu waxa ay badhaysaa dad warbaahinta bulshada ku faafiyey in ay xukuumaddu soo diyaarisay inqilaabkii dhicisoobay, si looga takhaluso cid kastoo liddi ku ah hoggaaminta Madaxweyne Erdogan.
04:21 falabnimo: Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay ilaa waqtigaas inay jeelka u taxaabeen 13,165 qof oo lagu eedeeyey in ay lug ku lahaayeen inqilaabka. Tiro-koobka dadkaas waxa uu ku kala sheegay 8,838 ka tirsanaa ciidanka, 2,101 garsoore iyo xeer-ilaaliye, 1,485 booliska, 52 maamulka dawladaha hoose iyo 689 riyad ah.
Waxa kaloo Madaxweynahu uu wareegto ku soo saaray in albaabada loo laabo 1,043 goobo waxbarasho gaar ah, 1,229 ururro samafal, 19 ururro shaqaale (sida ururrada macallimiinta iyo dhakhtarada), 15 jaamacadood iyo 35 mac-had caafimaad. Dhammaan goobaha la xidhay waxa loo aaneeyay in ay gacan-saar la leeyahiin Xarakada wadaadka Gulen ee loo haysto isku deyga inqilaabkii fashilmay ee dabayaaqada toddobaadkii hore.
23 July 2016
07:27 Subaxnimo: Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in ay shaqada ka eryeen 21,738 xubnood oo isugu jiray 21,029 macallin iyo 709 shaqaale ah.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa barlamaanka hortiisa kaga dalbaday shacabka in aanay bannayn jidadka ilaa iyo inta laga sifaynayo kooxo uu ku sheegay inay shacabka ku soo weerareen hubka laga iibiyey cashuurta ay bixiyeen.
05:34 Subax: Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha ayaa u sheegay idaacadda BBC in dadka la soo xidhay yihiin eedaysanayaal ilaa iyo inta laga soo caddaynayo in ay dembi leeyihiin.
“Haddii ay caddaato in aanay ku lug lahayn inqilaabka oodda ayaa laga soo qaadi doonaa. Aad ayaannu uga digtoon nahay in ay dhibaato soo gaadho qof aan dembi lahayn,” ayuu yidhi mudane Canikli, ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Turkiga.
05:03 Subaxnimo: Danjiraha Turkiga u fadhiya waddanka Pakistan Mr. Sadik Babur Girgin, ayaa sheegay in ay xukuumadda Islamabad ka codsadeen in ay albaabada u xidhaan ilaa 21 mac-had oo Xarakada Gulen ku leedahay dalkaas.
04:10 Subax: Maxkamadda Ankara ayaa ansaxisay in la soo xidho tiro 73 eedaysane oo uu ku jiro wadaadka Fetullah Gulen oo deggan dalka Maraykan. Dadkaas waxa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen afgembigii fashilmay.
03:15 Subax: Waxa xabsiga loo jiiday 283 ka mid ahaa ciidammada gaarka ah ee Madaxweynaha. Isla markaa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu kala diray ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada oo ka kooban 2500 xubnood. Ciidankaasi waa kan ugu awoodda badan, ugu hubka fiican, uguna tababarka sarreeya ciidamada dalka Turkiga oo dhan, iyadoo loo carbiyey in ay difaaci karaan cid kastoo weerarta madaxtooyada.
Sidoo kale, waxa la buriyey sharciyadda tiro 10,850 baasaboor shaqo oo hore loo siiyey madaxda dawladda si la isu hortaago in ay ku safraan kuwo ka cararaya in la eedeeyo.
Sida wax u socdaan, xawliga dadka lagu xidh-xidhay iyo sida degdegga ah ee albaabada loogu laabay adeegyada waxbarasho, caafimaad iyo ururrada shaqaale waxa aad uga biyo diiday xukuumadaha dalalka reer Yurub iyo Maraykanka. Ka sokow, inay ka digeen in lagu tacadiyo xuquuqda dadka, waxa ay hoosta ka xarriiqeen hawlaha socdaa in ay is hortaagayaan sidii dalka Turkiga ugu soo biiri lahaa Isbahaysiga Reer Yurub (EU). Waxa kale oo ay ku hanjabeen, haddii xaaladdu sidaan ku sii socoto, in ay ka fiirsan doonaan Turkigu inuu ka sii mid ahaado Xulafada Millateri ee NATO.
Madaxweyne Erdogan, dhankiisa waxa uu sheegay dimoqraadiyaddu in ay tahay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka. Waxa uu ku dooday in dadweynaha dalkiisu doonayaan in xukunka dilka lagu abaal-mariyo kuwii soo maleegay inqilaabka. Sidoo kale, waxa uu duray qiimo-darrida in ay ku biiraan Isbahaysiga Yurub (EU). Waxa uu sheegay 53 sannadood in ay sugayeen inay ka mid noqdaan Isbahaysiga Yurub, iyadoo marba xubinnimada loo oggolaanayey dalal uu Turkigu kaga horreeyo dhinacyada dhowrista xuquuqda, dimoqraadiyadda, dhaqaalaha iyo horumarka.
Si kasta ha ahaatee, waxa isweydiin mudan Xarakada Gulen ee cabsida weyn uu ka qabo Madaxweyne Erdogan, sababtayna in uu kala diro ciidankiisii gaarka ahaa, maxaa keenay in kooxdaasi lug ku yeelatoo millatariga, booliska, garsoorka, waxbarashada, caafimaadka iyo ururrada shaqaalaha ee dalka Turkiga?
Xarakada Gülen (Gülen Movement):
Xarakada Gülen ee dalka Turkigu waxa ay tahay xarako Islaami, madaxbannaan oo rayid ah. Waxa ka taliya wadaadka Fethullah Gulen oo hadda deggan Gobolka Pennsylvania ee Maraykanka. Xubnaha xarakada waxaa lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin 8 milyan qof oo isagu jira aqoonyahanno sare, xirfadlay, ganacsato, saraakiil ciidan, saraakiil rayid iyo arday. Hantida xarakadaas waxaa lagu maleeyaa ilaa tobanaan bilyan oo doollarka Maraykan ah.
Xarakadu muddo kontan sannadood ku dhow waxay ku caan baxday dhinacyada samafalka, wacyigelinta iyo horumarinta, gaar ahaan kaalinta ay kaga jirto waxbarashada dugsiyada barbaarinta dhallaanka ilaa heerarka ugu sarreeya ee jaamacadaha. Goobaha waxbarasho ee xarakadu waxay gaadhayaan Ilaa 1300, kuwaasoo ku fidsan 160 dal oo adduunka ah. Waxa tilmaan loo soo qaadan karaa waddanka Maraykanka oo ay ku leeyihiin 120 goobood oo ku dheraran 30 gobol.
Dhinaca warbaahinta, xarakadu waxa ay leedahay telifishannada Samanyolu, Mehtap iyo Ebru. Sidoo kale, waxa ay gacanta ku haysaa wargeysyada ugu magaca weyn dalka Turkiga sida Zaman, Today’s Zaman iyo majaladaha Aksiyon, Sizinti, Yeni Umit, The Fountain, Hira, Wakaaladda Wararka ee Cihan iyo Raadiyaha Burc FM (tr). Warbaahinta aan soo taxnay waxa ay ku soo baxdaa afafka Turkiga, Ingiriisiga iyo Carabiga.
Waa kuma wadaadka Fethullah Gulen?
Muhammed Fethullah Gulen waa 75 jir bukaan ah oo ku nool Maraykan. Waxa uu bartay diinta Islaamka. Waxa uu wax ka dhigay jaamacadaha Turkiga, waxaannu qoray kutub iyo qormooyin faro badan, isla markaana wuxuu ku guulaystay abaalmarinno caalami ah. Mr. Gulen waxa uu iskiis isugu masaafuriyay dalka Maraykanka sannadkii 1999kii.
Danjirahii Maraykan ee dalka Turkiga Mr. James Jeffrey, ayaa wadaadka ku qiimeeyey inuu yahay ninka labaad ee dalka ugu awoodda badan waddankaas, marka laga reebo Madaxweyne Erdogan. Wadaadka Gulen waxaa uu dalka kaga soo baxay sababo caafimaad, hase ahaatee waxa soo ifbaxday inuu ka soo baxsaday garsoorka oo ku soo eedeeyey inuu waday shirqool ka dhan ahaa xukuumaddii xilligaa jirtay.
Sannadkii 2000 waxa lagu xukumay maqnaansho, laakiim isla markii ay gacanta ku dhigeen taladii dalka, waxa cafiyey xukuumaddii Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta oo ay xarakada Gulen iskaashi lahaayeen. Sidoo kale, racfaan Xeer-ilaalintu ka qaadatay cafiska wadaadka waxa 2008 ganafka ku dhuftay xukuumaddii Erdogan oo ku guulaystay in ay beri (dembi la’aan) ka yeelaan Gulen.
Sida laga warqabo, Xarakada Gulen waxa ay taageeraysay Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ilaa xisbigu ku guulaystay hoggaaminta dalka 2002. Muddo waxa sii socday iskaashiga labada dhinac. Balse, wixii ka dambeeyey 2007 Xarakadu waxa ay ka xadhig-furatay xukuumadda Erdogan, isla markaana ma uu jirin xisbi kale oo ay aragtida ku midoobi karaan. Dhinaca kale, Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ayaa isu arkay inay soo gaadheen isku fillaansho ay kaga maarmeen Xarakada Gulen. In muddo ah dhinacba ka kale waxa uu ku waday dibindaabyo ilaa ay badheedh iyo si fool-ka-fool ah isu galeen sannadkii 2013.
Haddaba, halkee ayey iska qaniineen Erdogan iyo Gulen oo muddo dheer saaxiibbo dhowa ahaa? Halkee sartu ka qudhuntay? Maxaa sababay qaraxa colaadda labada dhinac? Ma se dhici kartaa qaab ay dib ugu walaaloobi karaan?
Waxaa Diyaariyey Xassan Cumar Hoorri oo ah suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraacTwitter @horrimania

