|

Maxaa ka soo kordhay qaraxii lagu hoobtay ee maanta ka dhacay Muqdisho? DAAWO

Muqdisho 19. February 2017 (SDN/QJ):-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa dad badan ay ku dhinteen oo saacad kahor ka dhacay Suuq kuyaala Xaafada Kaabo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in gaariga xiliga uu qarxayay uu goobtaasi marayay uun ahalkaasi ku qarxay.

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay.

Qaraxa ka dhacay Suuqa kuyaala Xaafada Kaawo Godey ayaa sidoo kale sababay in uu gubto qeybo kamid ah Suuqa , waxaana markii dambe dabka damiyay gaadiidka dab damiska oo goobtaasi si deg deg ah u gaaray.

Sargaal katirsan Hay’ada Nabad sugida oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qasaaro xoogan uu qaraxu ka dhashay ayna adkaatay in meydadka dadka qaarkood la aqoosado maadama jirkoodu uu go’ go’ay.

Masuuliyada qaraxan qasaaraha badan dhaliyay ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan jirin cid sheegatay, walina lama oga in goobta uu qaraxan ka dhacay ay aheed bartilmaameed inkastoo wararka xoogooda sheegayaan in goobtaasi aysan aheyn bartilmaameed.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay suuqa Kaawo Godey oo ka yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay in qaraxan uu yahay mid bahalnimo ah oo lagu xasuuqay shacab fara badan oo aan waxba galabsan ayna ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

“Qaraxii ka dhacay suuqa Kaawo-Godeey ee Degmada Wadajir wuxuu caddeyn u yahay bahalnimada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyaha.

Waxaa uu ku baaqay in shacab iyo ciidan loo midoobo sidii loola dagaalami lahaa kooxda Al-shabaab.

Comments are closed