|

“Xataa Haddii Uu Dhinto Robert Mugabe, Maydkiisa Ayaa U Sharraxan Doorashooyinka Soo Socda” Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe

Zimbabwe 20. February 2017 (SDN/QJ):-Haweenayda Madaxweynaha 92-sano jirka ee Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa sheegtay inuu yahay qof caan ah oo la jecelyahay xitaa haddii uu dhinto, wuxuu u tartami kara isagoo meyd ah doorashada sannadka soo socda, islamarkaana wuu ku guuleysan karaa codbixinta shacabka.

 

Grace Mugabe, oo 51 jir ah ayaa la hadlaysay taageerayaasha ka tirsan xisbiga Zanu-PF.

 

Mugabe ayaa soo maamulayay Zimbabwe tan iyo dhamaadkii xukunkii gumaysiga cadaanka ee 1980 ka dib markii dagaal qadhaadh uu dhexmaray.

 

Xaaskiisa, oo inta badan muujisay qirashadeeda iyada inay daacad u tahay ninkeeda, ayaa kasbatay jacaylka sii kordhaya ee shacabka iyo taliska dawlada”Maalin maalmaha ka mid ah markay tii rabbi ku timaado Mugabe dhinto, waxaan meydkiisa u soo sharrixi doona doorashada”ayay tidhi Grace

 

“Waxaad arki doontaan dadka oo u coddeynay doorashada Mugabe oo meyd ah, taasi si dhab ayaan idiinku sheegaya.”

 

Madaxweyne Mugabe ayaa waxaa ku taageeray xisbigiisa inuu mar kale u istaago doorashada sannadka soo socda.’

Comments are closed