|

Maxaa laga fili karaa Sabtida berri Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa. 30 September, 2022. (QJ)- Maalinta berri ah waxa kal fadhi kale yeelanaya Golaha Guurtida Ee Somaliland kuwaas oo isha si wayn loogu hayao ajandayaasha kulanka berri la hor keeno oo laga dhex naawilayo laba ajande oo caraka lagu hayo.

Muddo-kordhinta Xukuumadda Somaliland iyo xeerarkii 14 iyo 91 ee doorashooyinka ayaa la filayaa in ajandaha ay kasoo muuqdaan.

Xogo ay heshay Qurbejoog ayaa muujinaya in muddo kordhinta oo la filayay in berri la hor keeno Golaha Guurtida dib loo dhigayo iyadoo Saleebaan Gaal uu iska eegayo weli fal celinta ka dhalatay xeerarkii uu ku celiyay Wakiilada ee aanu hor gayn Golaha Guurtida.

Dhanka kale, xeerarka uu Saleebaan ku celiyay Wakiilada ayaa la rajaynayaa in uu hor keeno Golaha uu maamulo ee Guurtida, kadib dhaleecaynta wayn ee uu kala kulmay bulshada, xildhibaanada golahiisa, iyo wax garadka Somaliland oo sharci jabin ku eedeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya labadaa ajande oo la filayo in ay kal fadhiga berri Sabtida kasoo muuqdaan Golaha Guurtida ee Somaliland.

Comments are closed