|

Taliyihii Amniga Banaadir oo qarax miino lagu dilay

Muqdisho. 30 September, 2022. (QJ)-  Taliyihii ciidamada booliska ee gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Shabeelada Dhexe, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa isaga oo qayb ka ahaa ciidamada dagaalka kula jira kooxda alShabaab.

AHU Farxaan Qaroole ayaa ahaa sarkaal da’yar oo ka mid ahaa ciidamada uu tababaray Turkigu isagoo hore taliye ugusoo noqday ciidamada Harimacad.

Geeridiisa ayaa timi kadib markii ay la qaraxday miino ay alShabaab kusii aaseen deegaanka, taas oo la kacday isaga iyo ciidamada ilaalada u ahaa iyo saxafi ka tirsan warbaahinta Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa waday bilihii lasoo dhaafay abaabul xoogan oo ka dhan ah kooxda alShabaab kaas oo ka socda gobolo ka mid ah badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Beesha Abgaal ayaa la arkayay maanta iyaga oo wada olole hub-urursi ah si ay alShabaab ugala wareegaan deegaanada ay beeshu degto ee Shabeelooyinka.

Comments are closed