|

Maxaad Ka Ogtahay Sababaha Dib Loogu Dhigay Shirkii Nabadaynta Gobollada Bariga Ee Ku Muddaysnaa 25-kii Bishan?

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxtooyada Somaliland, ayaa shaacisay in dib loo dhigay Shirkii Nabadaynta gobollada Bariga (Nabadayn Qaran), kaasoo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hore u sheegay inuu gogoshiisa dhigay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana uu u muddeeyey qabsoomiddiisa 25-kii bishan aynu ku jirno ee Aktoobbar, hase-yeeshee, sababo jira awgood dib ugu dhacay, sida ay Madaxtooyadu sheegtay.

CALI-KHALIIF-GALAYDH-IYO-AXMED-MAXAMED-SIILAANYOMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa go’aamiyey in wakhtigii la qaban lahaa ama uu hore ugu muddaysnaa shirkaasi ee 25-kii bishan Aktoobbar 2016-ka dib looga dhigo, ka dib markii uu tixgeliyey xaaladda Abaareed ee ka jirta dalka gobollada Bariga ha u badnaatee iyo habsami-u-socodka shirar-doceedyo u socda Waayeelka iyo Wax-garadka Sanaag-Bari, Sool iyo Buuhoodle, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyadu.

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Dayr) waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xarunta Madaxtooyada kula hadlayey Weriyeyaal ka socday TV-yada Hargeysa ka hawlgala markii ay baxayeen Madaxweynaha iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Itoobiya u dhoofay Jimcihii shalay.

Xuseen-Dayr oo dib-u-dhaca Shirkaas iyo waxa keenay faahfaahinayaa, waxa uu yidhi; “Shirkii nabadaynta Qaran ee ka dhici lahaa magaalada Burco 25-kii bishan Aktoobbar 2016-ka, ee uu Madaxweynuhu hore ugu baaqay ee gogosha uu u dhigay gobollada Bariga, gaar ahaan Sool, Sanaag-Bari iyo Buuhoodle, Madaxweynuhu mar walba isagoo ka fikiraya ama mudnaanta koowaad siinaya Midnimada iyo wada-jirka Ummadda, isagoo ka taxaddiraya, kana tabaabushaysanaya wax kasta oo u keeni kara carqalad habsami-u-socodka Shirkaas nabadaynta Qaran, isagoo ogsoon in shir-doceedyadii iyo wadahadalladii Waayeelka iyo Wax-garadka gobollada Bariga uu si habsami ah u socdo, isla markaana loo baahan yahay in la siiyo wakhti dheeraad.”

“Isagoo Madaxweynuhu ka dheragsan, Baaqna ka soo saaray Abaaraha iyo Xaalufka baahsan ee ka jira gobollada dalka, kuwaasoo dadka iyo duunyadaba khatar ku haya, Qaran ahaanna ay waajib inna saaran tahay inaynu dalkeenna iyo dadkeennaba u gurmanno oo aynu gacan-siinno oo ka gargaarno Abaaraha iyo Xaalufka baahsan, Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday in dib loo muddeeyo Shirkii nabadaynta Qaran ee Burco ka dhici lahaa 25-kii Aktoobbar.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Comments are closed