|

Maxaad kala Socotaa Dayaca,Diifta & Daranyada ay Qabaan Dadka Dhimirka Ka Xannuunsanaya ee Suuqyada Hagaysa Gaar ahaan Bishan Ramadaan? Maalintu Dheeraa Noloshu Dhadhan Xumaa!!! DAAWO

Hargaysa 20. June 2017 (SDN/QJ):- Qofka Dhimirka la’a (Waalan amase Xisku Ka Maqan Yahay) alle kuma Waajibin inuu Soomo,Hadana ma Helaan Goob ay ka Cunteeyaan,ma haystaan Daryeel nololeed sidoo kale Dadka ay ku dhex nool yihiin way adag tahay Sida ay ugu Gargaaraan.

Photo File: Nin Ka Mid ah Dadka Dhimirka Ka Xannuunsanaya

Bishan barakeysan ee Rabadaan, duruufo adag oo dhinaca nolosha ah ayaa la soo darsay, islamarkaana ku gadaaman dadka xanuusanaya ee aan maskax ahaan fayoobeyn.

Duruufahaasina waxaa sabab u ah Huteelada dadku ka cunteeyaan oo la xidho bishan.

Hasa Yeeshee Waxaa Jira Sama falayaal Ilaahay dartii u Caawiya Dhibta Gaajadana uga Dul qaada Bukaanadan Rabi Maskaxdoodii ka qaaday.

Comments are closed