|

Maxaad kala Socotaa hawlaha falcelinta ah ee ay wado safaarada China ee Muqdisho

Muqdisho (QJ) – Dawlada China oo haatan ah dawlada labaad ee dunida ugu awooda badan ayaa dhawaan balaarisay safaaradeeda ku taal Muqdisho, taas oo sawir ka bixineysa sida ay indhaha ugu heyso una xiiseyneyso Geeska Africa.

China oo ka jawaabeysa danaha iyo loolanka kala dhexeeyay dalalka Mareykanka iyo Taiwan waxa ay Soomaaliya u soo magacowdey safiir aqoon dheeri ah u leh dhaqanka iyo siyaasada Soomaaliya.

SafiirĀ FEI Shengchao ayaa la xaqiijiyay in uu si wanaagsan ula socda xaaladaha iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Sooomaaliya ku sugneyd sanadihii u danbeeyay.

Safiirka oo mudo dheer ka tirsanaa wasaarada arrimaha dibedda ee China ayaa si khaas ah ugu takhasusay luuqado ay ta Soomaalida ka mid tahay.

FEI Shengchao ayaa Muqdisho loo soo magaacabay ka dib kolkii safiirkii ka horeeyay uu u caalwaayay Madaxweyne Muuse Biixi oo sida ay ku eedeeyeen Taiwan in uu la xirtay xiriir isaga u gaar ah.

Waxa indhaha China si gaar ah u soo jiitay kana careysiisay safar ay wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ay dhawaan ku tegeen Taiwan.

Ma cada waxa China oo leh awooda Veto ay ka yeeleyso tilaabada ay qaaday Somaliland ee lagu sharaxay libaax san ka taabasho.

China ayaa durba qaaday tilaabo ay ku xodxodaneyso mucaaridka Somaliland oo qudhoodu suaalo ka keenay xiriirka Muuse Biixi la sameystay Taiwan.

Isku soo xooriyoo, waxa laga warsugaaba waa tilaabada tan xigta ee China qaado, tiyoo ka jawaabeysa xiriirka Somaliland iyo Taiwan.

Comments are closed