|

Maxamed Biixi Yoonis Oo 3 Sannadood Ka Dib Sheegay In Hankiisu Ka Sareeyay Xilkii Uu Madaxweynuhu U Dhiibay, Kana Hadlay Kala Doorashadiisa Muuse & Cirro

Hargaysa 20.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, imikana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Biixi Yoonis, ayaa markii u horeysay ka hadlay Sababaha uu uga baxay Xisbiga KULMIYE ee isaga iyo Xubnaha Isbahaysiga Dimuqraadiyad-doonka ah ee KULMIYE ugu biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

 

maxamed-biixi-yoonisMaxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay dhaliillo uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu isaga iyo Xubnaha Isbahaysiga ee uu ka midka yahay Warbaahinta u mariyey, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in Isbahaysigu ay Xisbiga KULMIYE ka soo galeen dhanka Xukuumadda oo markii hore Xilal looga Magacaabay iyagoo Shaqaale ahaa, balse aanay hore uga mid ahayn KULMIYE.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland, oo ugu horeyn ka jawaabaya sababaha ay WADDANI ugu biireen Isbahaysiga uu ka mid yahay, ayaa yidhi, “Waxyaabaha aan Cabdiraxmaan Cirro ku doortay waxa weeyaan tii hore ee aan ku jiray (KULMIYE) waalla afduubay oo jujuub baa wax lagu doortay, taasina Xaar bay ahayd aanu diidnay oo aanu ka dhaqaaqnay, Cabdiraxmaanna (waxaanu ku nidhi) haddaad leedahay Tanna (Xisbiga WADDANI) aniga ayuu ii xidhan yahay ama Reerkayaga ayuu u xidhan yahay iman mayno, laakiin Cabdiraxmaan-Cirro bedkuu soo dhigay oo wuxuu yidhi Haddaad Tartan doonaysaan ahlan Wasahlan buu yidhi, haddaad weliba Rabto waan kaaga degayaa ayuu yidhi, markaa ugu yaraan Qaddarintaa iyo in aan u arko Dimuqraadiyadi jirto iyo inuu ogol yahay inuu dadka Tartan xalaal ah la gelo, Sidaa awgeed baanu ugu biirnay (WADDANI). Anigu waxaan aaminsanahay in Waddanku ka gudbo Qabyaaladda iyo Beelaha, mana aaminsani hadduu yahay Walaalkay ila dhashay oo aanaan ku qanacsanayn inuu yahay kii wadayey (Dalka) waan ka leexanayaa, markaa Anigu ma ihi Nin aaminsan in Dadka lagu kala doorto Qabyaalad.”

Maxamed Biixii oo u Warramay Telefiishanka HCTV, ayaa waxa kale oo uu ka jawaabay Hadal uu Guddoomiyaha KULMIYE ku sheegay in Xubnaha Isbahaysiga ee KULMIYE ka baxay aanay horeba uga mid ahayn, ee ay Xisbiga ka soo galeen dhanka Xukuumadda oo Xilal looga Magacaabay iyagoo Shaqaale ahaa, “Waa markii ugu horeysay ee aan maqlo Nin dhaliilaya Qof shaqeystay, Waayo? Shaqadu waa wax Sharaf iyo Karaamo leh, markaa ma qabo in Dadka soo shaqeystay ama shaqeeya in lagu caayo way shaqeysteen oo shaqadu ceeb maaha, markaa waxaan kaga jawaabo Qof nagu caayaya way shaqeysan jireen oo shaqada ka dhigaya inaan loo baahnayn, markaa looma baahna inaan intaa ka sii badiyo (u jawaabiddiisa) waayo? Dadku way ogyihiin Qof walba taariikhdiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Isbahaysiga waxa ku jira Raggii aasayaasha KULMIYE ahaaoo uga soo horeeyay Guddoomiyaha laftiisa, waxa jooga Raggii dhigay Shuruucda lagu dhaqmayo ee (KULMIYE) oo Xuseen Caydiid ka mid yahay baa jooga. Isbahaysiga waxa ku jira Guddoomiyeyaashii iyo Hoggaankii Xisbiga KULMIYE, way ogyihiin in Dadkan meesha ka baxay ay xul iyo Labeentii Somaliland yihiin, way ogyihiin in Halka aanu ku biirnay (WADDANI) aanu dhawaaqii u weynaa ka muujinay, in ummadda ku yar iyo ku weyn WADDANI la isku soo shubayo oo aan loo kala hadhaynin, markaa waxaanu caddeyn doonaa waxaanu Annagu nahay iyo wuxuu WADDANI yahay maalinta Doorashadu timaaddo.”

Mr. Biixi waxa kale oo uu Wareysiga ku sheegay in aanu ku qanacsanayn Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee uu iska Casilay, laakiin uu ka dhiganayey Jid uu ku gaadho Hoggaaminta Dalka, “Anigu maan ahayn Nin Wasiirnimo ku qanacsan oo Khibrad ballaadhan baa leeyahay, waxaan u imid inaan Waddanka hoggaamiyo oo aan Madaxweyne noqdo, waxaan doonayey inaan Xidhiidhada aan leeyahay iyo khibraddeyda Ummaddu ugu qabto Horumar iyo dhaqaale, markaa waxaan ku aqbalay Shaqada (Wasiirnimada) haddii ILAAHAY ii qorey oo uu ila qabto waxaan is lahaa shaqo taa (Wasiirnimada) ka sareysa qabo, markaa dariiq loo soo maro ayuun bay ahayd, laakiin himiladeydu marna ma ahayn inaan Wasiirnimo ku qanco.” Ayuu yidhi.

 

Waxaanu ku daray isagoo ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey siduu u arko Mudaharaad Xukuumaddu abaabushay oo Bishii hore Shacabka Somaliland ku Cambaareeyeen Go’aanka Beesha Caalamku  ku diidday in la kala qaado doorashooyinka, “Beesha Caalamka ka mid bay nahay, waxaynu hiigsanaynaa Ictiraaf, waxaynu ka doonaynaa Dhaqaale, waxaynu ka doonaynaa in la ina ogaado, markaa inaynu Beesha Caalamku dagaal ku qaadno wax innaga inoo wanaagsan maaha. Tusaale ahaan Mudaharaaddadii halkan (Somaliland) laga sameeyay way inna wiiqday oo dhibaato ayay inoo geysteen, markaa looma baahnayn. Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) Beesha Caalamka ayaa Lacagtiisa bixisa, horumarkaa aynu gaadheyno ha noqoto Hay’daha Nabadgalyada ee wax la tarayo’e Dhaqaale badan ayay Beesha Caalamku inna siisaa, markaa waxaynu u baahan nahay inaynu Beesha Caalamka la saaxiibno, haddaynu kiis ka qabnana aynu si qurux badan ugu sheegno inagoon Mudaharaad iyo Cay sheegin aynu la fadhiisanno oo aynu u sharraxno Qadiyaddeena iyo waxyaabaha innagu kelifay Waxyaabaha qaar, oo Xaq baynu leenahay, Innagaa Taladeena leh, Danta Somaliland baynu eegaynaa, waxaanu waxaynu ku xallili karnaa wada-hadal iyo inaynu nidhaahno sidaasi na anfici mayso oo sidan kale ayaanu dan moodnay, Danta Ummaddayaduna tahay.”

Comments are closed