|

Maxamed Haaruun iyo Dabka Suuqa Hargeisa

Hal milyan iyo hal guddi jawaab ma u noqon karto wixii dhacay. Dhaqaalihii Hargeysa jeex dhan baa dumay, si fudud baa na loo ga fursan karaayay. Su’aashu waxa ay tahay uun mid keliya:

Maxaa laga baran karaa waxa kan dhacay? Sanawaad aad u badan ayaa la daawanaayay magaaladan dhan ee wadnaheedii noqday isku raran aan jid iyo xeer toona lahayn. Maxaa sidaas loogu daayay in ay ahaato hadii la is waydiiyo , ‘doqoniimo’ jawaab ka duwan oo la bixinn karo qofna ma sheegi karo.

Afar geesoodka u dhexeeya Galbeed oo loo gaadho Saldhigga police ka Hargeysa, Bariga na loo gaadho Tiyaatarkii hore, Waqooyi na Oriantal Hotel ama Masjid Cali-mataan, geesta Koonfureed na, ilaa dooxa waaheen ee suuqan gubtay loogu magac-daray, inta u dhexaysa oo dhami waa deegaan qarriban oo xoog u qarriban, oo dawlad iyo sharci u baahan.

Saaka Muuse Biixi oo yidhi waa amar iyo fulin ee wadooyinka ha la furo ayaan maqlay, laakiin bil ka hor ayuu amarkaasi wacnaan lahaa. Meeyar Cabdikariim iyo Meeyarada magaalooyinka kale oo dhan cashar baa halkan u gu jira.

Si waafi ah waxa aan u salaamayaa Xildhibaan Abiib oo si waafi ah amuurtan uga hadlay. Waa runtii ee hal milyan iyo hal guddi ma ka jawaabi karto waxa dhacay. Inta guddi ee uu Xildhibaan Abiib soo jeediyay baan ayidsanahay. Doqoni qiiq kama kacdo ee daamanka ayay meermeerisaa.

Comments are closed