|

Maxay Tahay Shaqooyinka uu Qabto Ururka Badbaaddada Hooyada Iyo Caruurta ee Safe Mother and Child Organisation oo Hargaysa ka Jiraa?

Hargaysa 31. January 2017 (SDN/QJ):- Hoodo Cabdiraxmaan Waa Gudoomiyaha Ururka Badbaada Hooyada iyo Dhallaanka Safe Mother and Child Organisation Loona soo Gaabiyo Samco oo ka Jira Mgaalada Hargaysa.

Hoodo Cabdiraxmaan iyo Dr Ilyaas Jibriil oo Xubnaha Ururka ka mid ah ayaa Tafaasiil ka bixiyey Ujeedooyinkii loo aasaasay Ururkan iyo Waxqabadkii u hirgalay ilaa iyo hada Waxayna Sidaasi ku Sheegeen Xogwaran Dhinacyo badan leh oo ay Siiyeen Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

Ugu Horayn Rashiid Sulub Caalin ayaa Hoodo Cabdiraxmaan Waxa uu weydiiyey Xiligii la aasaasay Ururkan ay Gudoomiyaha ka tahay Waxay ku Jawaabtay ‘’ Waxaa Ururkan la aaasaasay 27kii Bishii 7aad ee Sannadkii 2015kii, Waxaana Ururkan lagu aasaasay Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Cisbitaalka Guud,Waxaanu Samaynay Xeer hoosaadkii uu Ururku ku Shaqayn lahaa oo dhamaystiran iyo Nooca Shaqada uu qabanayo oo ah Sidii uu Gargaar deg deg ah ugu samayn lahaa Hooyada iyo Caruurta’’

Hoodo Cabdi Waxaa Kale oo ay Ka Hadashay Ujeedooyinkii Loo Aasaasay Ururkan iyo Dadka uu Kulmiyey ‘’Kadib Markaanu aragnay baahida Caafimaad iyo Wacyigelineed ee dalka Ka Jira ayaanu ku fikirnay inaanu Aasaasno Ururkan,si uu wax uga qabto baahida hooyada iyo dhallaanka haysata, Waxaana Ku Jira oo Xubno ka ah Ururkan 37 Qof oo Isugu Jira Dad Culuunta Caafimaadka Meel Sare ka Gaadhay,Umulisooyin iyo Shakhsiyaad aqoon kale sita,Waxayna intooda ugu badani ka hawlgalaan oo ka Shaqeeyaan’’

Dr Ilyaas Jibriil oo ah Dhakhtar Guud Isla markaana Xubin ka ah Ururkan Badbaaddada Hooyada iyo Caruurta ayaa ka Jawaabay Sababta Keentay abuurista iyo aasaaska Ururkan Waxaanu Yidhi ‘’Xubnaha ugu badan ee Ururkan ku bahoobay Waxay ka hawl galaan Cisbitaalka Guud Markii aanu aragnay baahida ay ka Cabanayaan Bukaanada Cisbitaalka daawaynta u Yimid ee Ka baxsan Caasimada ayaanu go’aansanayn in dadkan iyo dhibtu halkay ka imanayso aan ugu tagno Si aanu Meesheeda wax ugaga qabano waxayna tani keenaysay inaanu deegaanada tuulooyinka iyo miyigaba ku soo xalino Kiisas Caafimaad oo hooyada iyo dhallaankaba ku keeni Jiray inay Magaalada hargaysa dabiib u soo doontaan,Waxaa dhici Jirtay in Cisbitaalka Guud naloogu Keeno hooyo Dhiig la’aan ah amase iyadoo Uur leh ay 3 Gram oo dhiig ahi ku jiraan,Waxaa naloo Keeni Jiray Hooyo dhiig baxaysa Waxaa naloo Keeni Jiray hooyo dhawr Cisho foolanaysay oo Ilmihii ku dhex bakhtiyey Markaanu arrimahaas oo dhan derisnay waxaanu ogaanay in dhibka jiraa yahay mid laga hor tagi karo,Dabadeed waxaanu go’aansanay inaanu Bukaanada ugu tagno deegaanadooda isla markaana u soo fidino adeega caafimaad ee ay u baahan yihiin’’

Dr Ilyaas Jibriil oo sii faahfaahinaya qaabka ay Shaqadan u fuliyaan ayaa waxa uu Yidhi ‘’Tusaale ahaan Waxaan isku raacnaa Koox ka kooban Dhakhaatiir, Umulisooyin,Shaybaadhiistayaal,ma wada qaadano dhamaanba qalabka  Cisbitaalka,Laakiin inta daruuriga ah ee Shaqadan aanu ku fulin karno ayaanu deegaanka aanu u baxno la tagnaa,taasi waxay noo sahashaa inaanu adeeg muhiim ah u soo qabano bulshada ku dhaqan kolba jiida aanu tagno Waxaa dhacda inaanu la Kulano hooyo u haysata in Ilmaha Caloosheeda ku Jiraa uu Nool yahay isagoo bakhtiyay amase hooyo ilmaha caloosheeda ku jiraa Dabo Keen yahay Isla markaana aanay Suurto gal ahayn in hooyadaasi ku umusho Meesha ay ku Sugan tahay,Markaas waxaanu Samaynaa inaanu Hooyooyinkaas u soo Gudbino Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Markaas Cisbitaalka Guud ayaa wixii aanu u qaban karno ka saacidnaa,halka kuwa deegaankooda Wax loogu qaban karo aanu ugu qabano’’

Hoodo Cabdiraxmaan ayaa la weydiiyey inta Gobol amase magaalo ee ay Hawlgalkan Caafimaad ka fuliyaan waxayna tidhi ‘’Afar Gobol ayaanu hada gaadhnay oo ah Maroodijeex,Gebilay,Awdal oo Degmadiisa Qun ujeed aanu ka gaadhnay iyo Gobolka Hawd

Dr Ilyaas Jibriil ayaa la weydiiyey Cida Ururkooda Caawisa amase Gacanta Maaliyadeed u fidisa ‘’ Ururkani Xubnihiisu waxay u badan yihiin dhallinyaro bah’da caafimaadka ka tirsan isla markaana wada shaqeeya Ma Jirto Cid si toos ah noo Caawisa,Way dhacdaa in mararka qaar dad Muxsiniin ah oo Samofalka jeceli inay gacan noo fidiyo hasa yeeshee dadaalka Ururku ku socdo waa mid ka yimid inta uu Kulmiyey,Xitaa Dawooyinka aanu dadka ugu adeegayno anaga ayaa iibsana,Inkasta oo Mar mar Shirkadaha dawooyinka soo dejiya Sida dalsan iyo Alle aamin ay naga Caawiyaan dawooyinka aanu u baahanahay,Hasa Yeeshee Hawshan Culayskeedu wuxuu ku dhacaa Xubnaha ku Jira Ururkan’’

Gudoomiyaha Ururka Badbaaddada Hooyada iyo Dhallaanka Hoodo C.raxmaan waxaa Kale oo ay Xogwarankan Ku Sharaxday Caqabadihii la soo Dersay Mudadii ay Shaqadan ku Guda jireen iyo Himilooyinka Wakhtiga dhow iyo ka fogba uu Leeyahay Ururkoodu.

Comments are closed