|

Waa Imisa Lacagta kasoo xarootay Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxweyne,Halkeese La Mariyey Dhaqaalihii ka soo Baxay Xildhibaanada Labada Gole?

Muqdisho 31. January 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gabo gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysay in ay u tartamaan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Halka uu Gudoonka Baarlamankuna Magacaabay Gudi u gaar ah la socodka doorashada waxaana si rasmi ah loo diiwaan galiyay 24-Musharax oo xilkaasi u tartami doona.

Musharaxiinta ayaa mid kasta oo kamid ah waxaa laga qaaday lacag dhan 30-kun oo Dollar oo diiwaan galin ah, lacagtan badan ayaana meesha ka saartay damaca Musharaxiin kale oo iyana doonayay in ay kamid noqdaan dadka tartamaya.

 

Lacagta Diiwaan galinta ee laga qaaday Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaareysa 720-kun oo Dollar, lacagtan ayaana lagu shubay Accouno gaar ah oo ka furan Bangiga dhaxe.

 

Doorashada Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kasoo xarootay lacag ka badan Hal Malyan oo Dollar, lacagtaas ayaan wali la cadeyn halka ay ku baxeyso iyo waliba cida maamuleysa.

 

Doorashada Soomaaliya ka dhaceysay laga soo bilaabo tan Aqalka hoose iyo Aqalka sare ayaa waxaa kasoo xarootay lacago aad u badan oo laga qaadayay Musharaxiintii tartameysay, walina lama oga lacagahaasi tirada badan halka ay ku dambeeyeen iyo cida maamushay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 8-da bishan lagu doorto magaalada Muqdisho, Doorashadan oo ah mid aad u adag ayna ku tartamayaan Musharaxiin saameyn badan leh ayaan la saadaalin karin cida ku guuleesan doonto.

Comments are closed