|

Maxkamad Ku Taala Dalka Ruwanda oo Xabsi Madaxaa Ha Ku Furto ah Ku Riday Abaanduule Lagu eedeeyay Inuu Boqol Cisho Ku dilay in Ka Badan 8 Boqol oo Kun oo Ruux!!

Ruwanda 21. April 2017 (SDN/QJ):- Dalka ruwanda Waxaa xabsi Madaxaa ha ku furto ah lagu xukumay mid ka mid ahaa ragii horkacayey maleeshiyaadkii xasuuqa ba’an ka gaystay wadankaasi sanadkii 1994

Maxkamadda sare ee dalkaasi waxay sheegtay in Bernard Managichari,oo hogaamin jiray maleeshiyaad taageersanaa xukuumaddii xiligaa,  lagu helay  in uu ku lug lahaa xasuuqii loo gaystay dadkii tuutsiga ahaa iyo Huutuugii qunyar socodka ahaa,   laguna xukumay xabsi Daa’in, iyadoo loo cuskaday inuu galay dembiyo bani’aadanimada ka dhan ah oo xasuuq ah, waxana ay sheegeen qareenadiisu inay dacwada sii wadayaan.

Sida la ogyahay sanadkii 1994 markii ay colaada isirka ku dhisani ka dhacday wadanka ruwanda waxaa muddo 100 maalmod ah oo keliya lagu dilay dad ka badan 800.000 oo badankoodu ka soo jeeday qowmiyada Tuutsiga.

Comments are closed