|

Xukuumadda Suuriya oo Diyaaradaheeda Dagaalka Ku Ururinaysa Saldhiga Ciidamadda Ruushku Ku Leeyihiin Suuriya Iyo Sababka Keliftay

Dimishiq 21. April 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Suuriya ayaa diyaaradaheedii Dagaalka ku ururinaysa saldhig ay ciidamada Ruushku ku leeyihiin gudaha Suuriya, waana tallaabo ay Xukuumada Bashaar al asad ku doonayso inay gaadiidkeeda cirka kaga nabadgeliso weeraro ay suurogal tahay inay Maraykanku ku soo qaadaan saldhigyada millateri ee Suuriya.

Television-ka caalamiga ah ee Fox News ayaa Niskii Danbe ee Xalay baahiyey in Diyaaradaha waaweyn ee ciidamada iyo kuwa yaryar-ba lagu ururiyey saldhiga ciidamada ee Baasal Al asad.

Waxana dhaqaaqan cusubi yimid ka dib markii ay 6 bishan April maraykanku kontameeyo gantaalaha Tomahawk ah ay ku duqeeyeen saldhiga ciidamada Suuriya ee Shayrat Airbase.

Sarkaal sare oo ciidamada Maraykanka u hadlay waxa uu sheegay in diyaaradaha Suuriya ay bartilmaameed u yihiin weerar kasta oo ay ka fulin karaan Suuriya.

Dhankoodana Ciidamada Ruushka ee ku sugan Gudaha Suuriya ayaa ku ballanqaaday inay  Suuriya ka taageeri doonaan sidii ay u nabadgelin lahayd diyaaradaheeda.

Comments are closed