|

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Hooyo Itoobiyaan ah u Xukuntay Wiil Yar oo Saddex Qoys Isku Haysteen illaa 2015-kii “Maanta Waxan Ogaaday Somaliland Inay Cadaaladi Ka Jirto” Hooyada Ilmaha loo Xukumay DAAWO

Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay Dacwad u dhaxaysay Saddex Qoys oo Ilmo yar isku haystay, dhinac walibana ku doodayey inay iyagu dhaleen ilmahaas. Hase-yeeshee, baadhitaan Hidde-sidaha saddexda Waalid ee ku doodayey iyo ilmaha ay isku haysteen laga qaaday, ayaa lagu xaqiijiyey Qofka dhalay ilmahaas.

Dacwaddan oo soo soctay tan iyo 2015-kii, isla markaana ka soo bilaabantay Maxkamadda degmada Laascaanood ee xarutna gobolka Sool, iyaga oo ay Wiilkan 12 sano jirka ah oo la yidhaahdo Farxaan ay isku haysteen Laba Nin iyo Gabadh mid waliba ku doodayey inuu yahay ilmihiisii iyo ilmeheedii, ayaa lagu guulaystay in go’aan lagaga gaadho fadhi ay Maxkamadda Sare ee Somaliland ku yeelatay xarunteeda Hargeysa, oo lagaga hor-dhawaaqay natiijada baadhitaan Hidda-sidaha ku saabsan oo lagu sameeyey Wiilka yar, labada Nin iyo Gabadha ku muransanaa ama isku haystay ilmahan oo lagu soo baadhay dalka dibeddiisa.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof: Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku dhawaaqay natiijada baadhitaan ee la sameeyey ee Dhakhaatiirtu u soo gudbiyeen oo lagu soo baadhay dalka dibeddiisa iyo waxa ay Maxkamaddu go’aamisay, waxaanu yidhi; “Waxaa jirtay Dacwad xasaasi ah oo ay ilmo yar isku haysteen saddex Qolo oo Laba Nin iyo Hooyo ayaa isku haystay oo mid waliba lahaa Anigaa dhalay. Markaa, Maxkamadda degmada Laascaanood bay ka furantay, shayga keliya ee lagu kala saari karaana waa Hidde-sidaha saddexda Waalid iyo ilmaha yar la qaado DNA-gooda oo la baadho oo lagu kala caddeeyo.”

 

“Dacwaddani muddo ayey socotay, waxaana iska kaashaday gobolka Sool Garsoorkiisa, Maxkamadda degmada, Racfaanka iyo gobolka iyo Maxkamadda Sare, waxaannu u dirnay oo isna na caawiyey Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo arrinkan gacan wayn ka geystay, waa la qaaday Dhiiggii, waa la diray oo la soo baadhay, maanta ayaa Natiijadi soo baxday. Markaa, Natiijadii Dhakhtarku kaga hor-dhawaaqay Maxkamadda ayaa isla markiiba Xukunkii lagu saleeyey, waxaana Natiijadaa ku guulaystay oo si buuxda ugu guulaysatay Hooyada Halkan fadhiga ayaa Farxaan dhashay oo sagaal iyo sagaashan iyo in ka badan boqolkiiba ku guulaysatay inay dhashay ilmahan yar.” Sidaa ayuu yidhi Guddooomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali waxa uu sheegay inaanay Hooyada ilmahan dhashay ee loo xukumay inaanay Somaliland u dhalan, waxaanu yidhi; “Weliba Hooyadani waxay ka mid tahay Dadka Qaxoontiga ah ee Itoobiya ka yimi ee innala nool, labada Nin ee kalena waxay ahaayeen reer Somaliland, markaa waxaan idiin sheegayaa Cadaaladdu cidna ma taqaanno, Illaahay uun baa lagaga baqaa in la cadaalad sameeyo, iyadaana ku guulaysatay baadhitaankii hidda-sidaha, Maxkamadduna ilmihii yaraa waataa ku wareejisay.”

 

Hooyo Muuna Cabdikariin oo ah Hooyada dhashay Wiilkan yar ee Maxkamaddu go’aanka ka gaadhay, isla markaana ka mid ah Dadka Dalka Itoobiya u dhashay ee Qaxoontinnimada ku jooga Somaliland, ayaa cabbirtay rejadeeda hore iyo dareenkeeda go’aanka Maxkamadda ka dib, waxaanay tidhi; “Markii hore ismaan lahayn cadaalad bay ku shaqaynayaan, laakiin maanta waxaan ogaaday dawladda Somaliland inay cadaalad ku shaqaynayso. Illaahay waxaan ka rejaynayaa inay noqoto dawlad wayn oo Afrika maamusha dawladda Somaliland, sababta oo ah Aniga oo aan waddanka u dhalan iyo Niman waddani ah oo reer Somaliland ah ayaannu dacwadda wada galnay, waxaana Illaahay mahaddii ah inay cadaalad samaysay Maxkamaddu oo ilmahaygii Illaahay ii soo celiyey oo la ii xukumay.”

 

Agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, Madaxa Shaybaadhka guud Axmed Xaashi Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Laascaanood Xasan Maxamed Warsame iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Axmed Diiriye Cabdillaahi, kuwaas oo ka warramay marxaladaha ay Dacwaddan iyo Baadhitaannada Caafimaad ee Hidda-sidaha lagu xaqiijiyey soo mareen, iyaga oo sheegay inay Dacwaddaasi soo bilaabantay oo ahayd bishii 8-da bishii 11-aad 2015-kii, markaas oo lagu wareejiyey Xoghayaha dawladda Hoose ee degmada Laascaanood oo gacanta ku hayey masuuliyadda iyo xannaanada Wiilkaas yar illaa loo soo wareejiyey dhinaca Garsoorka magaalada Hargeysa oo shalay lagu soo gunaanaday Dacwaddaas.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, Agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa, Madaxa Shaybaadka Somaliland, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmada Laascaanood, gobolka Sool iyo Racfaanka iyo Hooyada Wiilkaas loo Xukumay oo u dhalatay waddanka Itoobiya, halka ay labada Nin ee dacwadda kula jiray Somaliland u dhasheen, ayaa Maxkamadda dhexdeeda Warbaahinta kula hadlay, waxaanannu Hadalladooda iyo Sida Dacwaddaasi u soo dhammaatay-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed