|

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii ka dhacay Suuq kuyaala Muqdisho iyo Khasaaraha oo sii kordhay

Muqdisho 19. February 2017 (SDN/QJ):-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa dad badan ay ku dhinteen oo saacad kahor ka dhacay Suuq kuyaala Xaafada Kaabo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in gaariga xiliga uu qarxayay uu goobtaasi marayay uun ahalkaasi ku qarxay.

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay.

Qaraxa ka dhacay Suuqa kuyaala Xaafada Kaawo Godey ayaa sidoo kale sababay in uu gubto qeybo kamid ah Suuqa , waxaana markii dambe dabka damiyay gaadiidka dab damiska oo goobtaasi si deg deg ah u gaaray.

Sargaal katirsan Hay’ada Nabad sugida oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qasaaro xoogan uu qaraxu ka dhashay ayna adkaatay in meydadka dadka qaarkood la aqoosado maadama jirkoodu uu go’ go’ay.

Masuuliyada qaraxan qasaaraha badan dhaliyay ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan jirin cid sheegatay, walina lama oga in goobta uu qaraxan ka dhacay ay aheed bartilmaameed inkastoo wararka xoogooda sheegayaan in goobtaasi aysan aheyn bartilmaameed.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Comments are closed