|

Michel Obama Oo Kashiftay Sirta Labbis-Qaadasho Ee Saygeedii Hore – “Hal Suudh Iyo Beer Kabo Ah Oo Kali Ah Ayuu 8 Sano Ku Labbisnaa”

Washington 19. June 2017 (SDN/QJ):- Inkasta oo uu ka mid ahaa madaxweynayaasha ugu hub qaadka iyo labbiska wanaagsan, dad badanina jeclaayeen qaab-labbiskiisa, haddana waatan Michel Obama oo ah xaaskii Madaxweynihii hore ee waddanka Maraykanka Barrack Obama oo kashiftay sir xiiso leh oo la xidhidha qaabka labbis-qaadasho ee ninkeedii hore iyada oo goob shaarac ah kaga khudbadaysay in Siddeedii sannadood ee uu xilka halay Madaxweyne Obama uu kaliya xafladaha waaweyn ku tagi jiray hal labbis oo suudh ah iyo hal beer oo kabo ah cidina aanay ogayn ama dareemin arrinkaasi taasi oo xiiso weyn ku abuurtay dadkii hadalkaasi marwada maqlayay.

Marwadii koowaad ee dalka Maraykanka Michel Obama oo dhawaan khudbad ka jeedinaysay xaflad ballaadhan oo shirkadda caanka ah ee Apple ku soo ban-dhigaysay maxfal ay wax soo saarkeeda u qabatay ayaa mar ay nolosha saygeedii hore ka warramaysay waxna laga waydiiyey waxa ay sheegtay in ay aad ula yaabto marka ay aragto saygeeda oo kaliya ku taagan hal mar xidhasho oo dharkiisa ah gaar ahaan suudh uu jeclaa, kuna labbisan jiray mar kasta oo uu kulan weyn iyo xaflado ka soo qayb galayo kaasi oo uu xidhnaa sidoo kalena aanu mar kali ah iska baddalin muddadii dhammayd 8 sano ee uu xilka Madaxweyne ka ahaa dalka Maraykanka.

Sida uu baahiyey Wargeyska Washington Post oo wargeyska foore arrinkan xiisaha leh ka soo xigtay, Michel Obama ayaa sheegtay in munaasabadaha gaarka ah halkii uu ka xidhan lahaa dhar kala duwan oo qaali ah uu kaliya ku koobnaan jiray hal suudh iyo beer kabo ah oo kali ah cidina aanay dareemin dadka badankooduna ay u haysan jireen in uu leeyahay suudhadh badan. Michel Obama ayaa sheegtay in ay saxaafadda iyo dadka wax ka qora nolosha dadka caanka ahi ay iyada uun daba dhigteen mudadaasi Siddeeda sano ahayd ee ay ku noolayd guriga cad balse aanay isaga mar kali ah waxba ka qorin sidaana u jalleecin suudhka kali ah ee ku dul caddaaday Siddeeda sanadood.

“Iga rumaysan maysaan haddii aan wax idiinka sheego nolosha labbis ee saygayga Obama. Waxaad la yaabi doontaan haddii aan idinku idhaa ninkaasi munaasabadaha waxa uu lahaa oo kali ah hal labbis qaadasho. Waxa uu xidhan jiray suudh kali ah oo uu si gaar ah u jeclaa mar kasta oo uu tagayo xaflad weyn ama munsaasabad. Waa uu lahaa dhawr suudh balse waxa uu si gaar ah mar walba ugu labbisan jiray mid kali ah oo ahaa kii uu xidhnaa maalintii caleemo saarka. Aniga aad ayay saxaafaddu ii daba gali jireen balse isaga waligood waxba kamay ogaan. Miyay ogaan kari waayeen in dharkan iyo beerkan kabo ah ee uu ku labbisnaa siddeeda sano ay ahaayeen kuwo kali ah. Waan hubaa haddii ay ogaan lahaayeen in ay wax badan ka qori lahaayeen balse maanta ayaan idiin sheegayaa” ayay tidhi Michel Obama oo ku sugnayd kulankaasi weyn oo ka dhacay magaalada San Jose ee Gobolka California.

Warbaahinta sida gaar ah u daba gasha nolosha dadka caanka ah ayaa weedhaha Michel Obama markiiba qaaday oo baahiyey iyada oo dad badani is waydiiyeen nolosha Madaxweyne Obama iyo in uu ahaa nin ku dayasho mudan. Inkasta oo uu heli karayay kumannaan suudh oo uu saacad walba mid ku labbisto haddana waxa uu door biday in uu dhawr labbis ku taagnaado muddo xileedkiisii oo dhan.

Comments are closed