|

Madaxweynaha Ruushka Oo Jawaab Lala Yaabay Ka Bixiyay Su’aal Laga Waydiiyey Ka Guulaysan Lahaa Haddii Maraykanka Iyo Ruushka Dagaal Dhex Maro!!

Moscow 19. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Waddanka Ruushka Vladimir Putin ayaa jawaab lala yaabay ka bixiyay su’aal nin Barnaamij soo saare ahi ka waydiiyey bal cidda uu u malayanyo in ay guushu raaci lahayd haddiiba dalkiisa Ruushka iyo dalka Maraykanka uu ka dhex qarxi lahaa dagaalkii saddexaad ee adduunku.

Barnaamij soo saaraha Telefishan ee caanka Ah Oliver Ashton ayaa Madaxweynaha waddanka Ruushka ku marti qaaday barnaamijkiisa caanka ah ee Dunida iyo Maanta oo ay baahiyaan qaar badan oo ka mid ah wakaaladaha wararka ee adduunku waxaanu Madaxweynaha Ruushka oo Barnaamijkiisa marti ugu ahaa Salaasadii Toddobaadkan uu waydiiyey haddiiba uu jawaab ka dhiiban karo aragtidiisa la xidhiidha cidda uu u malaynayo in ay guusha qaadan lahayd haddii dagaal dhinaca Milatariga ahi dhex mari lahaa Maraykanka iyo Ruushka waxaanu Madaxweyne Vladimir Putin ku jawaabay in aanay cidina guulaysateen balse adduunka oo dhammi baabi’I lahaa oo aanay cidina adduunka guudkeeda baaqi ku ahaateen haddiiba ay dagaalamaan Ruushka iyo Maraykanku.

Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin oo lagu tilmaamo mid ka mid ah madaxda wakhtigan adduunka ugu adag hogaamiyana dalka Ruushka oo ka mid ah quwadaha adduunka ayaa sheegay in uu rajaynayo in cilaaqaadka u dhaxeeya dalkiisa iyo Maraykanku uu noqdo mid wanaagsan oo masaalix ku dhisan balse aanu doonayn in uu arko iyaga oo dagaal hubka isu qaata taasi oo uu ku tilmaamay mid aan labadooda oo kali ah maahee adduunka dani ugu jirin isaga oo sheegay in haddii ay isku dhacaan Maraykanka oo dagaal dhex maro in adduunku rogman lahaa oo aanay cidina adduunka guudkiisa ku hadheen.

Oliver Ashton ayaa Madaxweynaha Ruushka wax ka waydiiyey quwadda gaashaan-buurta NATO, waxaanu Putin isaga oo xaqiraya quwaddaasi kaga jawaabay sidan: “Imika waxaad ogtahay in quwaddii reer Barigu aanay jirin oo aanay diyaarsanayn quwad urursan oo meel kali ah ku bahaysani. Ma jiro Midawgii Soofiyeeti. Haddaba waxaan is waydiinayaa maxay uga baahan yihiin gaashaan-buur qoladan NATO. Waxaan u arkaa uun in ay doonayaan in ay cadaw samaystaan ay ku duulaan ama dagaal dhex maro. Si ay sabab ugu helaan colaad waxa ay mar walba doonayaan in ay samaystaan cadaw dibadeed oo ka baxsan iyaga. Haddii dagaal na dhex maro annaga oo Ruush ah iyo Maraykanka waxaan kuu sheegayaa in adduunku ku baaba’ayo maadaama labadayada dalba aannu haysanno hubka Nukliyeerka iyo kan Hydrogen-ka ahba” ayuu yidhi Madaxweynaha Ruushku isaga oo ka jawaabayay su’aal arrintaasi laga waydiiyey.

Comments are closed