|

Mid Ka Mid ah Dawladaha Africa oo Ciqaab Culus Ku Soo Rogtay Gabdhaha Uurka Yeesha Iyagoo Ku Jira Iskuulada Waxbarashada & Talaabada La Marsiinayo Ninka Gabadha Uureeya!!!

Dares Salaam 25. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa sheegay in gabdhaha ciyaal iskuulka ah ee uurka yeesha aan loo ogolaan doonin inay ku soo laabtaa waxbarashada marka ay ilmo dhalaan.

Waxaa uu ku sababeeyay go’aankan in markii la damco in xisaab laga shaqeeyo ay gabdhuhu dhihi doonaan macalin aan naaska soo nuujiyo ilmaha taasoo uu sheegay inaan la aqbaki karin

 

John Magufuli ayaa hadalkaas ka sheegay isu soo bax dadwayne oo uu ku qabtay magaalada Chalinze oo dhanka galbeedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Dares Salaam.

 

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ninkii uureeya gabadh ciyaal iskuul ah lagu xukumo 30 sano oo xabsi ah, tabartii uu ku uureeyayna uu ku falayo beeraha inta uu xabsiga ku jiro.

 

Ujeedada xukunkan laga leeyahay ayuu sheegay Madaxweynuhu iney tahay sidii raggu ay uga fogaan lahaayeen gabdhaha iskuuleyda ah, si ay u dhameystaan waxbarashadooda.

 

Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch Qiyaastii 8,000 kun oo gabdhood ayaa sannad kasta uur dartii uga baxa iskuullada dalka Tanzania.

Comments are closed