|

Afhayeenkii Hore ee Kooxda Al Shabaab Oo Laga Saaray Liiska Argagaxisada Iyadoo Madaxiisa Laga Dul qaaday 5 Milyan ee Cidii Soo Sheegta La Siin lahaa DHAGAYSO

Washington 25. June 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Mareykanka ayaa liiska waxa loogu yeero argagaxisada waxa ay ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo kamid ahaa Hogaamiyaashii ugu sareeyay Kooxda Al Shabaab xilal kala duwana kasoo qabtay Kooxdaasi.

War kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska dadka argagaxisada ah laga saaray Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horey dowlada Mareykanka ugu dartay kooxaha la doon doonayo ee lagu calaamadeeyay in argagaxiso yihiin.

 

Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kamid ahaa aas aasayaashii iyo Hogaamiyaashii ugu sareeyay Kooxda Al Shabaab, waxa uuna horey usoo noqday kuxigeenka Amirkii Al Shabaab iyo sidoo kale afhayeenkii guud ee Kooxdaasi

 

 

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale kamid ahaa xubnihii ay ka go’day talada Kooxda Al Shabaab, waxa uuna xariir aad u wanagasan la lahaa dagaalyahanada Ajaaniibta ee ka dhinac dagaalamayay Kooxda Al Shabaab, waxa uuna gudaha Al Shabaab ku lahaa taageero aad u badan.

 

Hogaamiyahan katirsanaa Kooxda Al Shababa ayaa la aaminsan yahay in sanadihii ugu dambeeyay uu baxsad ka ahaa kooxda Al Shabaab kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay hogaanka kooxdaasi, waxaana la rumeesan yahay in Abuu Mnasuur iyo ciidan uu wato joogaan gobolada Baay iyo Bakool.

 

Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah.

Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

Comments are closed