|

Midowga Yurub Oo Mushaharaadka Ka Jaraya Ciidanka Burundi Ee Ka Tirsan AMISOM

Bujumbura (QJ/SDN) –  Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqday , inay jarayaan Mushaaraadka ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM, iyagoo xusay inay tani tahay qorshe ay madaxweynaha Burundi, Peirre Nkurunziza ku saarayaan Cadaadis, si uu Wada-xaajood siyaasadeed loogu soo afjaro colaadaha ka taagan dalka Burundi.

BURUNDI

Xukuumadda Burundi, ayaa Waxaa Somalia ka jooga 5,400 oo askari oo qayb ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], Xilli dalkaas ay ka taagan yihiin colaado u dhexeeya xukuumadda iyo kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Yurub oo la hadlayay Reuters ayaa waxay sheegay in aysan sii wadi karin Mushaaraadka ay siiyaan Ciidamada Burundi ee ka midka ah kuwa Midowga Afrika ee Somalia ku sugan.

Saraakiisha Ururka Midowga Afrka u hadlay ayaa sheegay in ciidanka Burundi AMISOM ka tirsan ay askari walba bishii siiyaan lacag dhan 1,000 Doollar, laakiin ay Xukuumadda Burundi siiso bishiiba Askari walba oo ciidamadooda Soomaaliya ku sugan ka tirsan 200-doollar oo keliya.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ururka Midowga Yurub uu bishaan Rasmi ahaan ugu dhawaaqay inay ka jareen Xukuumadda Burundi dhaqaalihii ee ay siin jireen, kaddib markii Madaxweyne, Nkurunziza mar saddexaad loo doortay xilka madaxnimo ee dalkaas, taasoo sal u ah qalalaasaha ka taagan dalkaas.

Dowladda Burundi, ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka ururka Midowga Yurub uu ciidankooda Somalia jooga kaga jarayo mushaaraadkii uu siin jiray, iyadoo tallaabadan ay imaanayso xilli Midowga Yurub uu dhimay Dhaqaalihii uu ku bixin jiray Hawl-gallada AMISOM ee Somalia.

 

Ugu dambeyntii, Colaadaha ka taagan Bujumbura oo soo billowday bishii Abriil ee sannadkii hore, ayaa waxaa ku Naf-waayay Dad ka badan 400-ruux, kuwaas oo ay ku jireen Saraakiil sare oo dowladda ka tirsan iyo xubno mucaarad ahaa.

 

 

Comments are closed