|

SAWIRRO: Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Af-duubka Loo Gaystay Diyaaradda Egypt-Air

Qubrus (QJ/SDN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad ay leedahay shirkada EgyptAir oo saaka uu afduubtay nin sheegay in jirkiisa ku xidhan yihiin waxyaabaha qarxa, kaa oo Duuliyaha diyaarada ku qasbay in Diyaarada ku dajiyo garoon kuyaala Jaziirada Qubrus.

Diyaarada ayaa si nabad galyo ah waxaa loogu dajiyay garoonka diyaaradaha Larnaca ee Jesiiradda Qubrus, rakaabkii saarnaa Diyaarada oo gaadhayay ilaa 55-qof ayaa laga dajiyay diyaarada, waxaana wali ninka afduubaha uu diyaarada ku heestaa 7-qof oo kamid ahaa Shaqaalaha Diyaarada.

Ninka Diyaarada Afduubtay ayaa lagu magacaabaa Seif Eldin Mustafa, waxa uuna haysaa dhalashada Dalalka Mareykan iyo Masar ,ninkan ayaa ah Professor Cilmiga Daawaynta Xoolaha ka dhigi jirey Jaamacadda Alexandaria ee dalka Masar.

Xaaskii hore ee ninkan oo lagu magacaabo Marina Parashkou una dhalatay Qubrus , ayaa ka qeyb qaadaneysa waan waan la doonayo in ninkan looga sii daayo dadka uu ku heysto diyaarada, waxaana jira dalabyo badan uu soo jeediyay.

Warbaahinta Qubrus ayaa qaarkood waxa ay qoreen ninkan afduubaha ah uu dalbaday in magan galyo laga siiyo dalkaasi, walina lama oga in Dowlada Qubrus ay aqbashay dalabka ninkan kasoo yeedhay iyo in kale.

Dowlada Masar ayaa xaqiijisay in dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa dhamaan ay si nabad galyo ah uga dageen diyaarada, uuna afduubaha wali ku heysto shaqaalaha Diyaarada uu ku jiro kabtankii diyaaradaasi waday.

Ugu danbeyntii, Ninkan Diyaarada Masar laga leeyahay afduubtay ayaana lala xadhiidhin kooxaha argagaxisada ah, waxaana ehelada ninkan afduubtay Diyaarada ay sheegeen in maskaxda looga jiray (uu waalanyahay) ayna xaaladiisa caafimaad hagaagsaneyn mudooyinkan.










Comments are closed