|

Milateriga Dalka Zimbabwe oo Xukunkii Dalkaasi la Wareegay Iyo Madaxweyne Robert Mugabe iyo Xaaskiisii oo Xabsi Guri ku Jira!

Harare 15. November 2017 (SDN/QJ ):-Milatariga dalka Zimbabwe  ayaa lagu soo Waramayaa inay la Wareegeen awoodii Maamul ee dalkaasi oo haatan cagaha la galay Xiisad siyaasadeed.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegay inuu Ku Jiro xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay.

Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi ee Caasimadda dalkaasi ee Harare.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeedhay madaxweyne Robert Mugabe oo Da’diisu haatan tahay 93 jir ah isla markaana Mudo 37 Sannadood ah Hogaaminta dalkaasi hayay.

Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

 

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii, Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF

Dhanka Kale Ingiriiska ayaa dadkooda jooga dalka Zembabwe uga digay inay suuqyada u soo dhaadhacaan inta xaaladda Siyaasadeed ee Cakiran ee dalkaa ka taagani ay  kala miir dillaacayso.

Wasaaradda Arimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartey waxay ku sheegtay in xaaladda siyaasadeed ee Murugsan ee ka aloosan Caasimadda Dalkaasi ee Haraari iyo dhaqdhaqaaqa millateri ee aan Caadiga ahayn uu Sababi karo Rabshado baahsan Waxayna Muwaadiniintooda ku Sugan dalkaasi kula Taliyeen inay ku Sugnaadaan Dhismayaasha ay degen yihiin inta ay Xaaladu dhan u dhacayso.

Comments are closed