|

Mucaaradka Somaliland oo aqbalay doorasho-isku-sidkan iyo aamuska xukuumadda

Hargeysa 28 Aug, 2022 (QJ)- Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, UCID iyo Waddani, waxay soo dhaweeyeen talo soo jeedintii ay sameeyeen guddigii is xilqaantay ee ganacsatada ahayd iyagoo si gaar gaar ah uga hadlay.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Xoghayaha Guud Ee Waddani ayaa Sabtidii shalay iyo Axadda maanta ka hadlay arintan iyaga oo soo dhaweeyay, waxayna ku metelayeen hadaladooda xisbiyada mucaaradka ah.

Ganacsatada ayaa soo jeediyay doorasho hal mar la wada qabto oo ah doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada iyada oo farsamo ahaan la isla eegayo wakhtiga lagu qaban karo. Sharci ahaanshaha arintaasi waxay u baahantahay baarlamanka oo taageera ama maxkamadda sare oo qaraar kale soo saarta.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu weli aamusan oo aan si cad uga hadlin mawqifkeeda talo soo jeedinta ganacsatada, iyada oo Hore Muuse Biixi uu mar u taageeray doorashada isku sidkan. Waxa laga cabsi qabaa in xukuumaddu diido go’aanadan isla markaana arintaasi horseedo qalalaase kale.

Comments are closed