|

Labaataneeyo qof oo lagu dilay dagaal ka socda badhtamaha Soomaaliya

Muqdisho 28 Aug, 2022 (QJ)- Inta la xaqiijiyay dad ku dhow 20 qof ayaa ku geeriyooday tiro kaloo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo ka socda deegaanno hoos yimaado degmada Dhabbad ee gobolka Galgaduud.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaacmay ayaa ka kala tirsan dhinacyada dagaalamaya, waxaana haatan goobaha lagu dagaalamayo gaadhay ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan, si ay u kala dhexgalaan maleeshiyaaadka dagaalamaya.

Deegaanka lagu dagaalamayo  waxaa lagu magacaabaa Laba-gale oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud. Wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran ka dhashay Barkad laga qoday Laba-gale.

Guddoomiyaha degmada Dhabbad oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay billowday uu weli socdo. Wuxuu sheegay inuu geystay khasaare xooggan.

Illaa iyo hadda maamulka Galmudug kama hadlin colaaddan oo marar badan kusoo noqnoqotay  waqooyiga gobolka Galgaduud.

Comments are closed