|

Mucaaridka Somaliland oo ka digey qorshe uu maleegayo Muuse Biixi

Hargeysa November 28, 2022 (SD) – Madaxda mucaaridka Somaliland oo ka falceliyay warbixin laga diyaariyay sidii ay xukuumada xiligii la doortay ay dhamaatay ula macaamishay dibedbaxayaal lagu laayay dibaxyadii august dalka kadhacay ayaa sheegay in shakhsiyaadka denbiyada dilka, dhaawaca iyo jirdilka isugu jira ku kacay la xisaabtami doono.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo warabaahinta la hadlay ayaa sheegay in la garanayo cidii dilka u geysatay dhalintii doorashodooka aheyd ee la dilay, Guddoomiyaha UCID ayaa ka digay qorsheyaal uu sheegay in uu damacsan yahay Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday.

Musharaxa xilka madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa isna u sheegay shacabka in ay diidaan cadaalad darada una midoobaan ka hortageeda.

Isu soo baxyo isbedel doon ahaa oo ka dhacay Somaliland bishii august ee sanadkan ayaa shicib aan hubeysneyn qaarna la laayay halka qaar kalena jirdil iyo xabsi la isu raaciyay, dadka lagu xadgudbay ayaa waxa ka mid ahaa madax sarsare oo ka tirsan axsaabta mucaaridka.

Comments are closed