|

Hotel Villa Rose oo la weeraray

Muqdisho November 28, 2022 (SD) – Dagaalyanahayo la sheegay in ay ka mid yihiin kooxda Al Shabaab ayaa ilaa gabal dhicii caawa ka dhexdagaalamaya hotel Villa Rose oo aan maasfo durugsan u jirin Madaxtooyada Somalia.

Hotelka oo ay ku shirayeen siyaasiyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga oo isagu dhaawac soo gaaray ayaa la sheegay in ciidamada dawlada ee u tababran hawgalada noocan ah ku guuleysteen badbaadintiisa iyo qaar badan oo kale oo ka mid ah dadkii halka ku sugnaa.

Ciidamaduse Kuma guuleysan in ay hotelka hore uga sifeeyaan raga hubeysan ee guduhiisa rasaasta ka dhexridaya, degaalyahanada Al Shabaab ayaa weeraro soo noqnoqda ku qaada goobaha ay degen yihiin ama ku maararoobaan siyaasiyiinta iyo shaqaalaha dawlada Soomaaliya, iyada oo marar badana ay weeraradan ku waxyeeloobaan dad rayid ah.

Comments are closed