|

Mucjisada Wiil 17 Jir Ah Oo Pakistan u dhashay oo Soo Saaray Cilmi-Seynis Cusub Kuna Faanay Inuu Ka Wanaagsan Yahay Saynisyahankii Isaac Newton!!!

Karachi 18. October 2017 (SDN/QJ):- Wiil 17 jir ah oo dugsi sare ka dhigta dalka Pakistan, Shaheer Niazi, ayaa noqday qofkii koowaad ee soo saaray cunsur cusub oo ka tirsan korontada, waxaana cilmi baadhistiisa lagu soo daabacay majaladda arrimaha seynista lagu faaleeyo ee Royal Society Open Science.

Inkasta oo fikradda muddo badan la yaqiinay, balse waa qofkii koowaad oo suurtogaliya in la sameeyo, islamarkaasna sawiray.

Fikradan oo loo yaqaano “honeycomb’ ama ‘ xabag barsheed’ ayaa u muuqaal eg meesha ay shinnidu ku keydsato malabka iyo ugxaanta, waxay suurtagashaa marka saliid lagu ladho walax danab leh, halkaasina waxaa ka dhasha wax aad u qurux badan oo u eg sidii xabag barsheedka malabka. Wiilkan yar ayay u suurtogashay in uu sawiro bikaacadda danabka iyo waliba heerkulka ka dhalanaya, taas oo aanu jirin qof hore u sameeyay. Danabka loo yaqaano ‘xabag barsheed’ ayaa loo siiyay leyli ahaan isaga oo ka qeybgalayay shirweynaha caalamiga ah ee cilmiga fiisikiska ee dalka Ruushka ka dhacay sanadkii hore, halkaas oo markii uu kasoo laabtay uu go’aan ku gaadhay in lasoo daabaco cilmi baadhistiisa. Hal sano oo kale ayay ku qaadatay in uu naashnaasho wax soo saarkiisa ka hor intii aan laga aqbalin in lasoo daaboco cilmi baadhistiisa. “Cilmi baadhistaadu waa ilmaha aad dhashay oo kale, dareen farxadeed ayaana ku galaya marka la soo daabaco,” ayuu yidhi Mr Niazi oo ku nool magaalada Lahore ee dalka Pakistan. Markii ay BBC-du ku booqatay gurigiisa waxaa qolka ugu dhex rakiban qalab badan oo koronto, xadhko iyo diilimo, waana meesha uu ku sameeyay tijaabooyinkiisa korontada. Tijaabadan wuxuu ku sameeyay irbad yar oo uu dul saaran oogo fidsan, halkaas oo la mariyay waxyar oo saliid ah, falgalka ka dhashayna uu sameeyo ubur iyo illeysyo danabeed oo u samaysma sidii xabag barsheedka oo kale. “Waa sidii biriqda oo kale taas oo haleeshay oogada dhulka” ayuu yidhi Niazi oo xusay in saliiddu ay tahay waxyaabaha aan danabka gudbin karin, hase yeeshee cadaadiska cunsuryada kale ay dhaliyaan danab. Sidaasna uu ku samaysanto maadadan cusub ee korontada ahi.

Cilmiga cusub waxaa la sheegay in loo isticmaali doono dhanka soo saaridda dawooyinka iyo waliba aalado kale oo casri ah. Dad badan oo da’diisa ah iskuma mashquuliyaan in ay bartaan cilmiga sidan u xeeldheer, balse Shaheer Niazi ayaa go’aansaday in fasallada caadiga ahi ay yihiin kuwa lagu cajiso, isaga oo go’aansaday in uu akhriyo buugaag uu aabihii siiyay. Xilli hore ayuu bilaabay in uu isagu wax is baro, wuxuuna iska diiwaangaliyay fasalo internetka wax looga barto.

Guriga waxaa u yaalla xoqad iyo agab kale oo tijaabooyinkiisa seyniska uu ku sameeyo. Waa wiil aad u foojigan, maskaxdiisana waxaa markasta ka buuxa weeydiimo, wuxuuna fikrad ka heystaa sidii uu uga raadin lahaa jawaabo. Wuxuu aad u jecelyahay muusiga iyo farshaxanka, isaga oo qalin pencil-ka ku sawira muuqaalo aad u qurux badan, wuxuuna isagu is baray sida loo garaaco biyaanada. Ma aanu filanaynin in saxaafaddu ay arrimihiisa ogaan doonto, balse hadda wuu ku faraxsanyahay in sharafta dalkiisa uu kor u qaaday. Waxa uu rajaynayaa in uu gali doono jaamacad sumcad fiican leh si uu hore ugu sii wado cilmi baadhistiisa. Intaas oo kaliya ma aha, wuxuu xitaa doonayaa in uu ku guuleysto abaal-marinta Nobel-ka. “Isaac Newton wuxuu ahaa 17 jir markii cilmi baadhistiisa la daabacayay, anigu waxaan jirey 16 sano markii la iga aqbalay in lasoo daaboco cilmi baadhistayda,” ayuu yidhi.

Comments are closed