|

Sheekh Caan ka ah Somalia oo Si adag uga hadlay Qaraxii lagu dhamaaday ee Isgoyska  Zoobe ee Magaaladda Muqdisho DAAWO

Muqdisho 18. October 2017 (SDN/QJ):- Sheekh C.rashiid Cali Suufi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay Shacabkii lagu Xasuuqay Qaraxii Muqdisho, ugu horayn wuxuu soo jeediyey in lagu samro sida uu Alle ina faray, Wuxuu sheegay in kuwa dhibkaasi gaystay ay Xisaab adag hortaallo oo Qofka uu Dulmiga ku dilay uu Qabsan doono, Dhiiga Islaamkuna uu yahay Danbiyada ugu waawayn marka Shirkiga laga yimaado.

Sheekh Cabdirashiid  ayaa soo jeediyey in loo gurmado dadka Dhaawaca iyo Burburka hantiyeed kasoo gaadhay, Wuxuuna siwayn ugu duceeyay dadkii Falkaasi Bahalnimada ah ku Nafwaayey in alle Janadiisa ugu deeqo ehelkana samir uu ka siiyo.

Comments are closed