|

Mucjisooyinka Qur’aanka Kariimka ah ee ka hadlaya Qoraxda,Baddaha,Cirarka, iyo waxa dhici doona mustaqbalka DAAWO

Hargaysa 19. March 2017 (SDN/QJ):- Alle Weyne Subxaanahu watacaala wuxuu Qur’aanka Kariimka ah usoo dajiyay Bashar-ka, si uu ugu hago ama ugu toosiya wadada toosan, Alle Subxaanah watacaalaa wuxuu sheegay cidii raacdaa kitaabkaasi in ay ka heli doonto Nabad iyo farxad Adduunka iyo Aakhiraddaba. Isla markaana uu Qur’aanka noqon doono fariintii ugu danbaysay ee ka timaada dhanka Alle, markaana baaqi ku ahaandoonta dunidda ilaa iyo maalinta ugu danbaysa ee Qiyaamaha.

Hadaba sidaan la socono Qur’aanka oo ah waxyi ka yamid dhanka Alle, Muslimiintii hore, waxay ahaayeen kuwa ilbaxnimadii ay gaareyn iyo horseedkii ay dunidda u ahaayeen sabab u aheyd in Qur’aanka Kariimka ah ay ka dhigteen meesha ay wax walibaa ulla noqdaan.

 

Qarnigii 20-aad waxaa la daahfuray xaqiiqooyinka cilmi ah, kuwaasi oo heerkoodu uu aad u sareeyo, midkaasi oo ay ibnu aadamka gaareyn, laakiin cilmigaasi iyo horumarkaasi waxaa uu ku qornaa Kitaabka Alle Weyne oo uu soo dajiyay 1400 oo sanno ka hor.

 

Qur’aanka ma ahan kitaab u gaar ah cilmiga koonka looga dhaqmo, laakiin waxaa ku jira xaqiiqooyin dhanka cilmiga ah oo kusoo arooray aayado baddan oo Qur’aanka kamid ah, laakiin aanan la fahmin badankood xiligii uu Qur,aanka soo dagayay

Comments are closed