|

Gudoomiye Ramaax oo Iftiimiyey Xaqiiqooyinka ka dambeeya Sheekooyinka Sixirka iyo Qafaalashada Gabdhaha ee lagu dawakhay DAAWO

Hargaysa 19. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inay ogaadeen Siraha ka dambeeya qaarkood dhacdooyinka hadal-hayntoodu dhawaanahan aadka u badnayd, isla markaana shacabka magaalooyinka Hargeysa iyo Burco qaarkood aad uga qayliyeen ee ah Qafaalashada Dhalinyaro Hablo u badan oo qaarkood la tilmaamayey inay Dad kaxaysteen, isla markaana baadhitaan caafimaad waxay ugu yeedheen lagu sameeyo dhiiggooda oo irbado lagu mudo, halka qaarna sheegayeen in Biyo lagu saydhay ama la taabtay, ka dibna ay miyir-doorsoomeen oo ay Dad iska raaceen.

 

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mr. Ramaax, ayaa sheegay inay soo ogaadeen in arrimahaas qaarkood la xidhiidhaan hawlo Tahriibin ah oo qaarkood lagula kacay Gabdho Ciyaala-Iskuul ah, balse ay jiraan Hablo badan oo marmarsiiyo ka dhigta marka ay Guryohooda ka dhaxaan ee Faamliyadoodu qabsadaan, sida uu ku dooday Guddoomiye Ramaax oo Star TV ugu warramay magaalada Hargeysa oo uu maalmihii u dambeeyey joogay.

Waxaannu Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Hayse (Ramaax), Waraysigan iyo arrimaha kala duwan ee uu kaga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed