|

Mudaharaadyo Lagu Muujinayo Qarannimada Somaliland oo ka Dhacaya Magaalooyin Caalamka ah

Hargaysa 18,May 2016 (SDN/QJ):- Maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa maanta si weyn looga xusay dalka gudihiisa iyo qaaradaha  kala duwan ee adduunka, iyadoo xuskan ku beegan yahay sannad-guurada 25aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

SomalilandUK18mayXuska maalinta qaranka ee 18-ka May oo diyaargaraw xoogan loogu jiray bilihii u dambeeyey, waxa xuska ugu weyn ka dhacay caasimadda Hargeysa oo ciiddamada Somaliland ku soo bandheen socod gaardis dhoola-tus ah, isla markaana madaxweyne Siilaanyo Khudbad dheer ka Jeediyey, iyadoo sidoo kale magaalooyinka iyo degmooyinka dalka oo dhanna xusku ka qabsoomi doono.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada ayaa Shacabka Magaalada Burco kala qayb galay Xuska Munaasibada qaran ee 18 May Waxaanu Madaxweyne Ku Xigeenku Khudbad u Jeediyey Bulsho weynta Magaalada Burco isagoo ka waramay Marxaladihii kala duwanaa ee qarankani soo maray iyo Higsiga Mustaqbal ee u soo hiraya.

Sidoo Kale Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa dabaal dega Xuska 18 May kala qayb galay Shacabka ku nool Magalaada Boorama iyagoo u jeediyey Khudbado ay kaga waramayaan Sooyaalka taariikheed ee Somaliland soo martay.


Dhinaca kale, jaaliyadaha ku nool dalalka caalamka, ayaa xusas kala duwan ku qaban doona dalalka qaaraddaha adduunka, waxaanna mudaraadyo waaweyn oo lagu muujinayo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland ay ka dhici doonaan magaalooyin badan oo qaaradda Yurub ah, kuwaasoo lagu gudbin doono fariimo la xidhiidha xaqa ay bulshada Somaliland u leedahay inay aqoonsi buuxa ka hesho beesha caalamka.

“Waxa qayb ka ah xuska 18 May iyo doorka jaalliyadaha ee sannadkan 2016 bannaabaxyo waaweyn oo qurbo-jooga Somaliland ka dhigayaan magaalooyin caan ah, sida; magaaladda London (ee cariga Ingiriiska), Stockholm (oo ah caasimadda Sweden), Ottawa (oo ah waddanka Canada), Oslo ee dalka Norway, magaaladda Kassel (oo ah waddanka Jarmalka) iyo magaalooyin kale. Sidoo kale, Jaalliyadaha Somaliland ayaa doorkan ku dedaalay inay si weyn uga soo qaybgeliyaan kulamadooda debbaal-degga masuuliyiin iyo marti-sharaf sare oo uga yimaad goleyaasha kala duwan ee dawladaha martigeliyay, saaxiibada Somaliland, saxaafadda caalamiga ah iyo dhinacyada u muhiimka ah inay goob joog ka noqdaan munaasibadaha lagu gudbinayo farriinta Somaliland. Waxa iyana xusid mudan in dhammaan jaalliyadaha ka jira waddamada waaweyn ay u gudbiyeen dawladaha martigeliyay dhambaallo qoraal ah oo ay kaga codsanayaan inay tixgeliyaan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ictiraafka ay ka mudantahay beesha caalamka.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Wakaaladda Qurbo-jooga.

GoboladdaWaxa kaloo ay intaas ku dareen; “Diyaar garawga iyo abaabulka weyn ee loogu jiro xuska sannad-guurada 25aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016 ayaa sida ay uga socoto gudaha dalka si la mid ah uga aloosan magaalooyin tiro badan oo waddamada caalamka ee  jaalliyadaha Somaliland ku dhaqanyihiin ah dhammaan qaaradaha adduunka.

U diyaar garawga xuskan ee jaalliyadaha ayaa ka socday waddamo badan oo ah Qaaradaha Yurub, Ameerika, Aasiya, Australia iyo Afrika, ilaa bishii koowaad ee sannadkan oo jaalliyaduhu u magacaabeen guddiyo qabanqaabo oo kaalintooda gurmadii abaaraha hawsha u diyaar garawga xuska qaranimaduna dhinac socotay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhinaceeda ku dhiirrigelisay jaalliyadaha Somaliland in si ka duwan oo ka heer sarreysa loo qabto xuskan, iyadoo qorshe halweed kooban oo arrintaas la xidhiidha loo gudbiyay guddiyada jaalliyadaha Somaliland horraantii bishii April. Guddiyada Dalladaha waaweyn ee Jaalliyadaha Somaliland iyo dhammaan guddiyada ururada jaalliyadaha iyo guddiyada qabanqaabada ayaa iyaguna intooda badan si joogta ah uga warbixinaya Wakaaladda Qurbajooga Jamhuuriyadda Somaliland hadba hawlaha qabanqaabadu halka ay u marayaan iyo qorshe hawleedkooda ku aadan xuska qaran.”

Waxa kaloo ay  sheegeen in dabaal-degga maalinta qarannimada ee 18-ka May uu ka bilaabmay waddamada caalamka 13 May 2016, isla markaana ay socon doonaan ilaa toddobaadka kowaad ee bisha June, iyadoo xusku ka qabsoomi doono in ka badan ilaa 65 magaalo oo ku kala yaal 40 waddan oo ku kala yaal qaaradaha adduunka oo dhan.

Dalalka Yurub iyo xuska 18-ka May

Waxa xuska 18-ka May lagu qaban doonaa dalalka; Ingiriiska, Jarmalka, Denmark, Finland, Norway Belgium (Biljimka), Netherlands (Holland), Faransiiska, Turkiga, Austria, Talyaaniga iyo Switzerland. Waxa raaca dalalka Maraykanka, Canada, Australia iyo New Zealand.

Xuska Qaaradda Afrika

Maalinta qarannimada Somaliland, waxa laga xusi doonaa dalalka; Itoobiya, Kenya, Tanzania, Uganda, Jabuuti, Suudan, Masar, Koonfur Afrika iyo Koonfurta Suudaan.

Maalinta 18-ka May iyo qaaradda Aasiya

Dalalka Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Qatar, Kuwait, Hindiya, Malaysiya, Bangladesh, Philippines (Filibiin), Shiinaha iyo dalal kale ayaa laga xusi doonaa maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Comments are closed