|

Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo maayir Mooge ku kacsan

Hargeysa. Aug 19 2022 (QJ)- Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay diidanaa hogaaminta maayirka Hargeysa iyo aragtiyihiisa ku aadan xiisadaha siyaasadeed ee Somaliland ay cagaha la gashay.

Qurbejoog waxay si toos ah ula kulantay xildhibaanada Golaha Deegaanka ee beesha Maayir Mooge iyaga oo dhammaan sheegay in aanay la dhacsanayn qaabka uu wax u wado maayirku marka ay timaado arimaha siyaasadda iyo sidoo kale maamulka dhulka oo murano badani ka taagan yihiin.

Dhanka kale, waxa jira olole ballaadhan oo dadka kasoo jeeda beesha Maayirku ay ka wadeen baraha bulshada taas oo ku aadan diidmo ay ka qabaan aragtiyaha maayirka ee mashaakilka waddanka ka taagan gaar ahaan caasiamdda oo manigeeda iyo maamulkeeda uu awoodda ugu saraysa leeyahay.

Maayir Cabdikariim Axmed Mooge ayaa lagu dhaliilay in uu ku baaqay in Hargeysa aanay wax mudaharaad ahi ka dhicin, xili uu ka mid ahaa dadka u ololeeya xoriaydda dibad baxyada iyo xoriyadda hadalka oo ahaa qodoabda loogu codeeyay isla markaana uu ku helay codadak badam.

MALA BEDELI KARAA MAAYIRKA

Qurbejoog wuxuu su’aashan waydiiyay xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyagoo ku jawaabay in wakhtigan aan la bedeli karin maayirka maadaama oo uu aragtiyaha xukuumadda qaatay si cadna uga sheegay warbaahinta.

Bedelida maayirka iyo mooshin laga keeno waxay ku xidhan tahay in Wasiirka Arimaha Gudaha uu joobjoog ka ahaado isla markaana fadhiga lagu dooranayo xaadir yahay, taas oo u muuqata mid aan dhacaahayn inta uu maayirku xukuumadda la socda sida ay xildhibaanadu sheegeen.

Maayir Mooge waxay u badan tahay in uu waayo kursiga hadii xukuumad cusubi ay dhalato maadaama ay xidlhibaanada Golaha uu hogaamiyo noqdeen kuwo hore u diidanaa iyo qaar imika ka hadhay kadib siyaasadda uu ku milmay oo uu taageeri waayay aragtiyaha deegaanka laga soo doortay.

Comments are closed