|

Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Noqday Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland dooratay Iyo Ku Xigeenkiisa Mudane C.raxmaan C.laahi Saylici Iyo Sidii ay Sadexda Xisbi qaran u kala Heleen Codadkii Doorashadda

Hargaysa 21. November 2017 (SDN/QJ):-Gudiga Doorashooyinka Somaliland waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeen Natiijada Doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay Nov,13,17, gudigu waxay shaaca ka qaadeen in xisbiyadu sidan u kala heleen codadkii ay dhiibteen 80% oo Noqonaya dadkii isku diiwaan galiyay inay codeeyaan.

Ucid: 23,141                    Boqolay 4.1%
Kulmiye: 305,909        Boqolay 55.19%
Waddani: 226,092       Boqolay 40.73%

Marka la kala jaro tirooyinka ay kala heleen labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI waxa uu xisbiga KULMIYE dheeryahay oo guushu ku raacday codad tiradoodu dhan tahay 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Markii ay Komiishanka Doorashooyinku Ku dhawaaqeen Murashixiinta ku Guulaystay Hogaaminta dalka ayaa Caasimadda Hargaysa waxaa ka bilaabmay dabaal deg xoogan oo lagu Muujinayo Guusha ay Gaadheen Murashixiinta Xisbiga Kulmiye ee Hogaaminta qaranka la wareegi doona Shanta sanno ee soo Socoda

Comments are closed