|

Mujaahid Axmed Mire oo Sharaxaad ka Bixiyey Qoraal uu Dhawaan Baahiyey oo Qoonsimaad Keenay

London 22. October 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Axmed Mire Maxamed, ayaa ka dareen celiyay qoraal uu hore u qoray toddobaadkii la soo dhaafay kaas oo ay ka dhasheen dareeno, waxaanu sheegay in nuxurka qoraalkiisu ahaa xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga.

Wuxuu dad aanu magacaabin ku eedeeyay inay bedeleen  hadalkiisii islamarkaana ay la wareegayaan isku dirka qabiilada iyo kicinta. Qoraal uu Axmed Mire soo qoray mar labaad,ayaa wuxuu sheegay inuu yahay mujaahid iyo muwaadin xaq u leh inuu ka hadlo xaaladda dalkiisa laakiin aan marna looga baqayn dagaal oogid iyo qabiil ku macaash, waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan: “Dadka bedelaya nuxurka aan ka hadlay ee xoojinta diimuqraadiyad iyo maamul wanaaga ee la wareegaya isku dirka qabiil kicinta iyo naxliga

 

Waxaan salaamayaa dhammaan ummada Soomaliland meel kasta oo ay joogaan ACWB.Dadku intaa way hadlayaan waxase yaab leh aniga oo muddo badan idin eegayey haddii aan maalin hadlay maxaa gulufka kiciyey? Miyaanan mujaahid wadankiisa xaq ku leh ahayn? Miyaanan muwaadin xor ah oo ra’yigiisa cabiri kara ahayn? Miyaanan xaq u lahayn inaan ka waramo wixii aan Somaliland ku soo arkay? Miyaanan bogaadin, dhaliilo, toosin, soo jeedin tallo bixin intaba xaq u lahayn? Maxaa odhaahdayda loo bedelayaa oo dhiilo aan jirin looga abuurayaa? Hasha maqaarka diidaysaa dalool bay ka eegtaa. Waxaan leeyahay ficilkaasi wuxuu lid ku yahay diimuqraadiyda, xoriyatal qawlka,xaqa distooriga ah ee muwaadinka, xurmada mujaahidka iyo dadka maamuuska ka mudan qaranka iyo anshaxa islaamka ee maguuraanka ah.

 

Anigu nin wax og baan ahay dulqaad leh illaahayna aaminsan la iiga biqimaayo dagaal oogid, qolo ku macaash xaashaa lilaah. Waxaan ahay kan dhawraya ee ilaalinaya nabada iyo midnimada qaranka. Dhuuni uma dhex joogee dhaqashaan u dhex joogaa. Waxaan dhawaaq dheer ku sheegayaa oon ku celcelinayaa qabiil qaran ma dhiso. Taariikhdu waxay sheegaysaa cadaalad darrada ayaa colaadaha kicisa oo dumisa nabadda waxa walaalnimada iyo midnimada xoojiyaa waa cadaalada iyadaa lawada hadhsadaa guul, nabadna iyo horumarba lagu gaadhaa. Dadka bedelaya nuxurka aan ka hadlay ee xoojinta diimuqraadiyad iyo maamul wanaaga ee la wareegaya isku dirka qabiil kicinta iyo naxliga dheg ha u digina garaadkiina yaan hoos loo dhigin wax idinku boorinayaa nabad midnimo iyo diimuqraadiyad xalla ah oo ilbaxnimo ku dheehantahay.Raad arooryo dib looma raaco xumo sheega iska qabta. War xunow lagu waa.

 

Maanta dulucda hadalkaygu wuxuu ku wajahan yahay xaalada adag ee dalku hadda marayo. Waxa inagu soo fool leh kaambeynkii doorashada hoggaanka dalka. Waxaan idiin sheegayaa siyaasadu colaad ma aha dalkuna ma guurayo dadkana illaahay baa isbaday meelna kala tegi maayaan. Ha loo arko tartan loo baratamaayo tayo gelinta horumarka dalka. Waxa lagu kala baxayaana waa codka muwaadiniinta dalkooda jecel.Waxaan ummadayda ku boorinayaa madax iyo manjaba in la illaaliyo nabada oo lagu fara adaygo, gaar ahaan maamulka waxaan leeyahay wareegtooyinka aad soo saartaan dhaqan geliya, waxaan gar u taabanayaa in ammarada loo gudbiyo gobolada iyo degmooyinka ila heer tuulo.Xisbiyaduna ha ku sugnaadaan barnaamijyada siyaasadeed isla markaasina ha ilaaliyaan anshaxana,cidii isku dayda in ay khal khal galiso nabadana waa in dhan looga soo wada jeestaa, waxaan idin xasuusinayaa in aduun weynuhu isha inagu hayo. Barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen.

Comments are closed