|

Weriyeyaasha Cali-Seenyo iyo Maxamed-ilig Maxaa Ku Qasbay inay Daaddihintii Doodda Musharrixiinta u Dhaartaan? DAAWO

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Weriye Cali Axmed Raabbi (Cali-Seenyo) oo ay isaga iyo Weriye Maxamed Cabdi Sheekh (Maxamed-Ilig) Daaddihinayeen Dooddii dhex-martay Saddexda Musharrax Madaxweyne ee Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani oo Habeenkii Jimcaha ka qabsoontay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana la dhaariyey intii aanay doodda bilaabin ka hor, ayaa markii u horreysay ka jawaabay sababta loo dhaariyey iyo sida ay u aqbaleen, maaddaama oo ay Xeerarka Saxaafadda, Anshaxa iyo Dhex-dhexaadnimada Suxufigaba ka hor-imanayso tallaabadaasi.

Hase-yeeshee, Weriye Cali-Seenyo, waxa uu qiray in ay Dhaarinta la dhaariyey isaga iyo Ilig ay ahayd wax shuruucda Warbaahinta ka baxsan, Anshaxa Saxaafaddana aan meelna ka waafaqsanayn iyo Kalsoonida Suxufiga toona, balse ay Musharrixiinta Xisbiyada ay Doodda u qabanayeen dalbadeen, isla markaana markii ay si kale u qanciwaayeen Xisbiyadu ee xaaladdu noqotay in doodda la joojiyo iyo in iyaga la dhaariyo ay Danta guud darteed iyo si aanay Dooddaasi u baaqan u aqbaleen inay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Gacanta saaraan oo ay ku dhaartaan inay dhex-dhexaad ka yihiin Doodda ay daaddihinayeen.

 

Waxa uu Cali-Seenyo sidaa ku sheegay mar arrintaas uu Hargeysa wax kaga weydiiyey Weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal TV, waxaanannu Qirashada Cali-Seenyo iyo Doodda waxa ku kellifay ama ay ku aqbaleen Dhaartaas Faahfaahinaya, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed