|

Mujaahid Maxamed Kaahin oo Shaki Geliyey Hadal la sheegay inuu ka soo Yeedhay Mujaahid Axmed Mire & Dalab uu Warbaahinta u Jeediyey DAAWO

Hargaysa 18. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha ku Xigeenka Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Shaki geliyey hadal hayn xoogan oo ka dhalatay Qoraal la sheegay inuu Facebook ku baahiyey Mujaahid Axmed Mirre oo ayaan daro ku tilmaamay in Mudane Muuse Biixi Cabdi loo doorto Hogaanka Qaranka ee bedeli doona Madaxweyne Siilaanyo.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo aqoon durugsan u leh Axmed Mirre ayaa Saxaafada ka dalbaday in aanay hadalkan Axmed Mirre laga soo weriyey aan xoog looga baayac mushtarayn isla markaana ay hubinayaan isagoo dhanka Kalena u soo Jeediyey Axmed Mirre Maxamed in aanu Ku kicin wax dhaawacaya Sharaftii uu ka dhaxlay halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta waddanka.

Comments are closed