|

Mulkiilaha Telefishanka Universal Iyo Agaasimaha u Qaabilsan Somaliland oo Xabsiga Hargaysa Laga Sii Daa’ayay Shalay Iyo Sababta Xadhigiisa DAAWO

Hargaysa 21. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland Lagu Xidhay Milkiilihii Telefishinka Universal Ing Axmed Abuubakar iyo Agaasimaha TV-gaas xaruntiisa Somaliland Maxamed Caabi Digaale .

Sababta Xadhiga Mulkiilaha Telefishankaas iyo Agaasimihiisa ayaa ka danbaysay kadib markii Barnaamijka Faaliyaha Qaranka laga sii daa’ayay Qodob ku saabsan Heshiiska Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga siiyay Madaarka Berbera.

Comments are closed