|

Telefiishan Ay Leeyihiin Xuutiyiinta Yemen Oo Ka Faallooday Saldhigga Ciidan Ee Imaaraadku Ka Samaysanayo Berbera DAAWO

Hargaysa 21. February 2017 (SDN/QJ):-Telefiishanka Al-masiira oo ku hadla Afka Fallaagada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen, ayaa markii ugu horeysay baahiyey War-bixin la xidhiidha Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

 

Telefiishanka ayaa War-bixin uu diyaariyey Weriye lagu Magacaabo Candar Al-Hataar ku sheegay in Imaaraadku doonayo in Saldhigga uu Berbera ka samaysannayo ku muujinayo Awooddiisa Ciidan isla-markaana uu doonayo inuu Mustaqbalka ku qabsado Marinta loo yaqaanno Baab Al-mandab ee badda Cas, kaasi oo ah Marinka ugu Mashquulka badan Adduunka.

War-bixinta Telefiishanku baahiyey oo dheerayd isla-markaana uu Wargeyska Himilo u beddelay Af-Soomaali ayuu ku bilaabay sidan, “ka dib markii ay Dawladda Imaaraadku saldhig-Milletari oo aad u  ballaadhan ka  samaysatay  Magaalada Casab ee Dalka Eretaria, waxay dawladda Imaaraadku ku dedaalaysay sidii ay awooddeeda Milletari ugu  ballaadhin lahayd dhinaca Koonfureed ee Marinka Baab Al-mandab, gaar ahaan magaalada Berbera.

Dekedda magaalada Berbera ayaa waxay hoos tagtaa Somaliland oo ah Dal aan la ictiraafsanayn oo Soomaaliya ka go’ay sanadkii 1991-kii. Baarlamaanka  Somaliland ayaa  codad badan ku ansixiyay in Imaaraadku magaalada Berbera ka samaysto Saldhig Milletari.”

Telefiishanku waxa kale oo uu War-bixintiisa ku soo daray Heshiiska Dekedda Berbera ay kula wareegayso Shirkadda DP World, “Shirkadda DP World ayaa waxay la wareegaysaa maamulka iyo casriyaynta Dekedda Berbera, waxa aanay gacanta ku haynaysaa muddo 30 sano ah, waxayna ka shaqayn doontaa horumarinta iyo ballaadhinta Dekeddaasi sida ay heshiiska ku wada galeen maamulka shirkaddaasi iyo Somaliland, waxayna Shirkaddu ku maal-gelin doontaa Dawladdaaasi lacag dhan 442 Millyan oo Dollarka Maraykanka ah.” Ayaa lagu sheegay War-bixinta, waxayna intaa ku dartay, “Saldhiga Miletari ee ay Imaaradku rabaan inay ka dhistaan Magaalada Berbera waa mid aad u muhiim ah, gaar ahaan marka loo eego Dalka Yemen. War-bixinno ay soo bandhigayaan  Qaar ka mid ah Baraha Inernet-ka ee laga leeyahay Dalalka reer Galbeedka, ayaa waxa  ay caddaynayaan in imaaraadku ay rabaan inay ka dhigtaan Dekedda Berbera meel ay Diyaaradahoodu soo caga dhigtaan oo ka caawiya hawlgalka dagaal ee ay ka wadaan dalka Yemen. Waxa is waydiin leh sida ay dawladda Imaaraadku ula loolami karto waddamada awoodda badan iyo sida ay awoodeedi Milatari ugu  muujin karto marinka Baab Al-mandab.? Waxa marinkaasi ka mid yahay  mariinada ugu xasaasiyadda badan  uguna muhiimsan Dunida xili ay Imaaraadku ku guulaysteen inay saldhigiyo Milatari ka dhistaan badda Cas, gaar magaalada Casab ee Dalka Erateria, mustaqbalkana waxa la filayaa inay Dawladda Imaaraadku saldhig Miltari ka samaysto Jasiirada Suqadra, Jasiiraddaasi oo uu iibiyay Faarhaadi hal qarni ka hor.”

Telefiishanka Xuutiyiintu wuxuu War-bixintiisa ku soo gebogabeeyay, “Isku soo wada duubo dawladda Imaaraadku waxa ay dabada ku haysa dawladda Maraykanka oo u ogalaatay in ay awoodeeda Milatari iyo cududeeda ciidanba ku muujiso isla-markaana qabsato Marinka Baab Al-Mandab..” Sidaas ayaa lagu yidhi War-bixintaasi oo uu Telefiishanku ku soo gebogabeeyay.

 

Comments are closed