|

Muqdisho: Caasimaddii Ilmaysay!

soooo

Muqdisho, Soomaaliya/ Photo from Google

Waa caasimad kamida caasimadaha dunida ugu khatarta badan, waa caasimad maalinka uusan qarax ka dhicin la yidhaado maanta waa maalin mucjiso ah, waa caasimad maalin walba ay dad ugu dhintaan gaajo, waa caasimadda kaliya ee qofku meel kasta oo uu joogo marka uu magaceeda maqlo uu soo xasuusanayo darxumo, gaajo iyo silic.

Waa caasimaddii intay hadashay tidhi “waqti dheer ka hor, waxaan ahaan jiray, caasimaddii shiinaha maanta dunida hogaaminaya ka caawin jirtay inay xoriyadooda helaan, waxaa kale oo aan ahaan jiray caasimaddii dadka madaw ee afrikaanka ah dareensiisay inay yihiin bini’aadam ee aanay xoolo ahayn, waxaan ahaan jiray caasimaddii ay ka dhisnaayeen mid kamida ciidamaddii ugu awooda badnaa afrika xilligii sideetanaadkii, waxaan ahaa caasimaddii liqday libaaxii afrika. Dadkaygu meel walba oo ay dunida tagaan, waa la ixtiraami jiray oo la sharfi jiray, cabsi aniga layga cabsanayo awgeed. Balse, maanta wixii ii danbeysay inaan noqdo caasimaddii gaajada iyo darxumada, waxaan noqday caasimada kaliya ee doqon kastaa usoo dhareeriso, afrikaankii dusha madoobaa ee magacayga marka uu maqlo dib u istaagi jiray, maanta marka uu magacayga maqlo wuu iisoo qoslaa, haweenkaygii sharafta lahaa ee la ixtiraami jiray, maanta laamiyada giriiga ayaa la jiidjiida, qaarna taandhooyin ay “UN” ku qorantahay hoostooda ayaa lagu quudiyaa, halka kuwo kalena loogu dirayo waddamo carab ah, si ay u xaadhaan waddooyinka sucuudiga iyo qashinka imaaraadka. carruurtaydii iyo dhallinyartaydii waxa ay maalin walba ku dhintaan, badwaynta u dhexaysa yurub iyo Africa, raggaygii iyo geesiyadaydii waxaa iyaga oo nool nool lagu gubaa dooxyada Cape Town, aqoon yahanadaydii iyo siyaasiyiintaydiina, waxay isku haystaan reer reer, waxaa iga guulaystay cadawgaygii taariikhiga ahaa, oo dadkaygii iyo goboladaydii kala qaybiyay oo in ba meel ku tuuray, waxaan noqday caasimadda kaliya ee dunida afrikaan guumaysto. Habeenkii marka ay dadku seexdaan, inta aan soo istaago ayaan dusha sare kasoo eegaa dadkayga, waxaan arkaa inay ku qanacsan yihiin nolosha caynkaas ah, waan cadho ooyaa oo aan dib isaga laabtaa, waxaa I dayacay dadkaygii, waxaan sugayaa maalinka ay dadkaygu i dareemi doonaan”.

  • Muqdisho maalinkaas ayay sugaysaa. Waanan ogahay xilliga ay doonto ha noqotee in uu maalinkaasi iman doono.

Mahad Ibraahim Yuusuf

Khartoum, Suudaan

 

Comments are closed