|

Muqdisho: Wariye Xalley lagu Dilley Yaaqshiid oo maanta Lagu Aasay Magaaladaas

Muqdisho , 28 September, 2016 – (SDN/QJ) – Waxaa Magaalada Muqdisho Aas loogu sameeyay  Dugsiga Sare ee Jeneraal Kaahiye Ex School Politicia Allaha u naxariistee Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali ( Xaaji) oo Gelinkii dambe shalay Kooxo Hubeysan ku dileen Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb  galay qeybaha Bulshada Soomaaliyeed , sida Bahda Saxaafadda, Arday, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa kale.

Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka hadlay Madasha lagu aasayay Marxuumka ayaa ka tacsiyeeyaday Geerida Xaaji isagoo Eebe uga baryay Naxariistiisa Janno.

Waxaana uu Macalimuu ku booriyay in falkaas uu qeyb ka yahay isku dayada lagu doonayo in lagu Aamusiyo Warbaahinta Madaxa banaan sidaas daraadeed Wariyayaashu ay Calool Adeeg sameeyaan.

 

Comments are closed