|

Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo Goor dhawayd Ka Hadlay Qaladaad Xisbigiisu Tirsanayo Fariina U Diray Taageerayaashiisa

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa xisbiga mucaaridka ah Ee Waddani ayaa shaaca ka qaaday qaladaad badan oo xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka qaranka.

Gudoomiye Cirro oo hada warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay in khaladaadka uu sheegay in xisbigiisu ka tirsanayo guddida doorashooyinka, isaga oo si gaar ah u xusay qaar ka mid ah sanaaduuqdii lagaga codeeyey gobolada qaar oo uu tilmaamay in madaw badani ku jiro.

Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay innaan Somaliland doorasho Xor iyo Xalaal ahi ka dhicin, waxaanu soo qaatay qodobo dhawr ah oo Murashax Cirro u cuskaday qaadacaadiisa; qodobadaasi oo ay kamid yihiin 1-In Sanaaduuqdii dib loogu tiriyey laga helay codad dheeraad ah oo halkii sanduuq loogu talogalay shan boqol oo qof innay ka codeeyeen laga helay codad ka badan intii loogu talogalay 2- In Doorashada aannu jirin seerver “Server” kala saarayey qofka kaadhka sita inuu leeyahay iyo in kale taasi oo buu yidhi ay xataa codeeyeen dad dhintay, Caruuro shan jir iyo toban jir ah iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Sidoo kale murashax Cabdiraxmaan Cirro ayaa taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay inay is dajiyaan isla markaana amniga dhawraan.

Guddida doorashooyinka qaranka ayaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan natiijada doorashada iyada oo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu meel adag ka taagan yahay in lagu dhawaqo natiijo uu ka qabo tabasho.

Comments are closed