|

Warkii ugu dambeeyey ee Waddani iyo Guddiga doorashada Wadahadal Gelinkii dambe iyo Caawa u socday oo lagu Kala-kacay DAAWO

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):-Wararkii ugu dambeeyey ee laga helo Wadahadalka u socday gelinkii dambe ee maanta Guddiga doorashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegaya in Xubno Waddani wadahadalka u qaabbilsanaa inay ka soo baxeen xarunta Komishanka, ka dib markii ay Guddiga doorashadu ka dalbadeen in Musharraxa Madaxweynaha iyo Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka Waddani Xarunta yimaaddaan.

Sababta ay Guddiga doorashooyinku u dalbadeen inay Musharrixiinta Waddani Xarunta yimaaddaan isla fiidkan caawa, ayaa lagu sheegay mid ay rabaan inay kaga wadahadlaan inay diidmada Saxeexa natiijada ee xubnahan laga soo wareiyey ku raacsan yihiin iyo in Musharraxu saxeexo natiijada la filayo ina lagu dhawaaqa 24-ka saacadood ee soo socda gudohooda ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan. Hase-yeeshee, Musharrax Cirro oo mar dhawayd Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Qaaddecen doorashad aiyo natiijadeeda la sugayo-ba.

Haddaba, Warbiixinta Wararkaas iyo Xogaha laga helayo Guddiga doorashooyinka Somaliland ee la xidhiidha natiijada doorashadii Madaxtooyada ee 13-kii bishan qabsoontay iyo halkay marayso cabashooyinka uu Xisbiga Waddani hore uga gudbiyey Codadka, Tirintii Codadka Hargeysa oo la dhammaystiray iyo Wararkii ugu dambeeyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

Comments are closed